WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON

WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON BOGAGGA CAGAARAN

Tusmada PCN-kaada 2 Kansarka 6 Caafimaadkaaga 10 Lafaha iyo Murqaha 13 Talaalka caruurnimada 17 Cudurka Macaanka 18 Caafimaadka Wadnaha iyo Xididdada dhiiga 19 Isku gudbinka Bulshada – Caafimaadka Dhimirka 23 Adeegga Booqashada Guriga – Kalkaaliyayaal Caafimaad 24 Hagaha Adeegyada Iskaa Isku-gudbida ah 25 KALKAALIYAYAAL CAAFIMAAD Waxaan iskaashi la yeelanay GP Federationka aynu leenahy iyo London Ambulance Service si aan u abuurno adeeg booqasho guri oo ku shaqeeya baaskiil kaas oo ah mid u fiican deegaanka adeegaas oo ay bixiyaan kalkaaliyayaal caafimaad oo ka wakiil ah GP-yadeena. FARMASHIISTE CAAFIMAAD OO HEEGAN AH Waxaan leenahy farmashiiste caafimaad oo ka shaqeeya guud ahaan goobaheena caafimaadka si uu dib ugu eego bukaanada daawooyinka badan qaata taasoo ka dhalatay baahiyaha caafimaad ee adag. U GUDBINTA BULSHADA Isku-xirayaasha isku gudbinta bulshada ee shaqaalaheena waxay gacan ka geystaan kor u qaadista caafimaadka iyo fayoobida, waxay suurta geliyaan helitaanka adeegyo dhammaystiran waxayna dadka u fududeeyaan inay mudnaanta siiyaan fayoobidooda. HELITAANKA Waxaan balamo dheeraad ah ka bixinay guud ahaan PCN-ka iyo kuwa ka baxsan saacadaha talo bixinta dhakhtarka ee asaasiga ah, si qaab fool ka fool ah, telefoon iyo la-talin oonlayn ah. PCN-GAADA Shabakadaha Daryeelka Aasaasiga ah (PCN) waa kooxo ka kooban xarumaha GP-ga, oo ku yaal meel aad isugu dhow, kuwaas oo u wada shaqeeya sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha dadkooda deegaanka. Sidoo kale wada shaqaynta waxaa dheer, waxay xiriir wada shaqayneed oo dhow la samaystaan bulshada, farmashiga, isbitaalka, daryeelka bulshada, caafimaadka dhimirka iyo adeegyada iskaa wax u qabso taas oo awood u siinaysa qaab habaysan oo isku xidhan oo loogu tala galay daryeelkaaga. Shabakadda Daryeelka Aasaasiga ah ee degaankaaga waxa la yiraahdaa Northwest Merton PCN. Iyada oo ay na hogaaminayaan 2da agaasime caafimaad oo ka wada shaqeeya xarumaha si wada jir ah, waxaan ka koobannahay xarumaha soo socda una adeega dad ka badan 35,000 oo qof: Alexandra Surgery Vineyard Hill Road Surgery Wimbledon Medical Practice Wimbledon Village Surgery Dr Tim Hodgson Dr Pete Brown Saamaynta In habkan looga mid noqdo shabakad maxalli ah waxaay ka dhigaantahy in shaqadeena ay ahaan karto mid yaraanteedu gaarsiisan tahy in ay bixiso daryeel shakhsi ahaaneed iyadoo si firfircoon loo qabanayo howl aad u weyn, taas oo loo marayo isu geeynta adeegyo ama agabyo. Tusaale ahaan, waxaanu wadaagnaa shaqaalaha waxaana aanu ku siin karnaa fursad weyn oo aad ku hesho adeegyada GP-ga annagoo kuu qabanayno ballamo guud ahaan goobo iyo waqtiyo badan. Qaar ka mid ah Hindisayaasheena Ilaa hadda waxaa ka mid ah… 3 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RUGAHA TALLAALKA COVID-19 Agaasimeyaasheenna caafimaadka waxay horkaceen kooxa ka koban shaqaalaha xarunta tallaalka ee Merton Hubs si ay u hubiyaan in si degdeg ah loo soo saaro tallaallada muhiimka ah si baaxad weyn leh shaqaalaheennuna si hagar la'aan ah aya ugu shaqeeyeen ilaalinta bulshooyinka deegaanka. Hadaba Maxaa Xiga…? WADASHAQAYN Waxaanu sameynaynaa Kooxda Ka-qaybgalka Bukaanka (Patient Participation Group, PPG) oo wadajir ah guud ahaan xarumaheena xubinta ah si aan u suurtagelinno jawaab-celin loo dhan yahay oo joogto ah. SHAQAALAHA Waxaan sii wadeynaa sahaminta sidii aan si hal-abuurnimo leh ugu hawlgeli laheyn doorarka yaryar si ay nooga taageeraan shaqadeena. MASHAARIIC Waxaan sii wadeynaa sahaminta mashaariic cusub si aan u hubinno helitaan loo dhan yahay ee ah adeegyada GP-ga iyo in aan kor u qaadno caafimaadka iyo fayoobida dhammaan kooxaha bulshada ee ku nool agagaarka PCN-geena. Warbixin ku saabsan buugyarahan Wada-xiriir Ujeedada buug-yarahaan waa in kor loo qaado wacyiga ku saabsan sida PCN-gaagu kuugu shaqeeyo. Shabakad ahaan waxaa naga go'an inaan caawinno kooxdeena bukaannada ah inay ku noolaadaan nolol caafimaad leh. Buug-yarahaan waxaa ka buuxa macluumaad faa'iido leh oo sahlan in la fahmo oo la xiriira: • daryeelka aasaasiga ah, adeegyada bulshada iyo beesha oo aad heli karto • dariiqooyinka daaweynta maxaliga ah • mawduucyada caafimaadka ee kulul & hagaha is-caawinta shakhsiga Ujeedadeena waa in kuwaan si wadajir ah kuugu suurtageliyaan oo ay kuugu xoojiyaan inaad raadsato caawimada saxda ah marka ama haddii aad u baahato. Buug-yarahaan waxaa la heli karaa isagoo luqado kala duwan ah waxaana laga heli karaa websaydkeena shaqada. Waxa kale oo la heli karaa isagoo ah Buuga dadka indhaha la' haddii la codsado. Kheyr badan, Kooxda PCN-kaada Fadlan ogow in macluumaadka ku jira daabacaadan uu ahaa mid sax ah Febraayo 1-deeda 2023. Websaytyada ku jira guud ahaan buuga, waxay ku geynayaan bogaggooda interneetka. Xaaladaha qaarkood waxaad u baahan doontaa inaad baarbaarto si aad u hesho macluumaadka gaarka ah ee degaankaaga. FURO Websayt Telefoon Iimayl 4 5 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

XOG: Dalka UK gudahiisa qiyaastii 360,000 oo qof ayaa laga helaa kansar sannad kasta, waxaana lagu qiyaasaa in 2 dii qofba uu 1 qof yeelan doono nooc ka mid ah kansarka inta ay nool yihiin. Waxa jira in ka badan 200 oo nooc oo kansar ah, mid walbana leeyahay daawayn u gaar ah. HORUMARINTA CAAFIMADKA: Dhowr arrimood ayaa saameyn kara halista ah inuu kugu dhaco kansar sida; hiddaha, difaaca jirka oo hooseeya , qaab nololeedka iyo deegaanka. Inkastoo aysan suurtagal ahayn in la xakameeyo dhammaan khatarta keenta kansarka, waxaa muhiim ah in la yareeyo khatarta ah in uu kugu dhaco kansar iyadoo la qaadanayo qaab nololeed caafimaad leh: HORUMARINTA BAARISTA: Baarista kansarku waa baaris lagu eego calaamada hordhaca ah ee kansarka ee dadka aan lahayn calaamada muuqdo. Waxay qofku ka caawin kartaa in la ogaado kansarka isagoo kujira marxaladda hore, markaas oo daaweyntu ay u badan tahay in lagu guuleysto. Tusaale ahaan, baaritaanka lagu sameeyo afka ilmogaleenka wuxuu xitaa ka hortagi karaa kansarka in uu kobco. Dalka UK gudahiisa, waxa jira 3 barnaamij oo baaris ah, baarista kansarka mindhicirka, baarista kansarka naasaha iyo baarista kansarka afka ilmo-galeenka. Kansar: HORDHAC: Kansarku waa cudur uu keeno koritaanka aan la xakamayn karin ee unugyada iyo sida ay isku qaybiyaan, kuwaas oo ah dhismooyinka unugyada iyo xubnaha jirka. Inta unugyada kansarka qaba ay sii faafayaan, waxay saamayn karaan unugyo caafimaad qaba oo iyaga ku heeraarsan waxayna dhalin karaan buro. Burooyinka oo dhan maaha kuwo kansar qaba laakiin qaar ka mid ah unugyada kansarka qaba waxaa soo qaadi kara dhiigga ama habka lymfatiga si ay u saameeyaan unugyada caafimaadka qaba ee qaybaha kale ee jirka. Baarista kansarka mindhicirka: Qalab loo yaqaano 'FIT test' (faecal immunochemical test) ayaa baaraya dhiig qarsoon oo lasocda saxarada. Qof kasta oo da'diisu tahay 60 ilaa 74, kuna nool England kana diiwaan gashan GP-ga waxa loo soo diraa qalabkan baarista ee fudud oo uu qofku isku baaro isagoo gurigiisa joogo 2 dii sanaba mar ilaa ay ka gaaraan 75 jir. Intaa ka dib, waxaa jira taleefoon bilaash ah oo lagu dalbado qalabka: 0800 707 6060. Barnaamijka baarista kansarka mindhicirka ee hadda jira ee loo fidiyo kuwa ka yar 60 waxaa loo bixiyaa si marxalado ah. Baaritaanka kansarka naasaha: Baaritaanka mammogram-ka waa raajato eegaysa wax cad hilib ah oo kansar qabta oo ku jira unugyada naaska kaasoo laga yaabo inuu aad u yar yahay in la dareemo. Qof kasta oo da'diisu tahay 50 ilaa 71 dheddig ahaanna looga diiwaan geliyay GP-ga, warqad baa lagu casuumaa 3dii sanaba mar ilaa ay ka gaaraan 71. Intaa ka dib, waxaa lala xiriiraya qaybta baarista maxalliga ah si balamo loola yeesho 3 dii sanaba mar. Baarista Kansarka afka Ilmo-galeenka: Baaritaanka afka ilmo-galeenka wuxuu hubinayaa caafimaadka afka ilmo-galeenka kaas oo ah daloolka ilmo-galeenka. Dhammaan haweenka iyo dadka leh ilmogaleenka ee ka diiwaangashan GP-ga, warqad baa lagu casuumaa 3dii sanaba mar haddii ay da'doodu u dhaxayso 25 ilaa 49 iyo 5tii sanaba mar haddii ay da'doodu u dhaxayso 50-64. Intaa ka dib khatarta kansarka afka ilmo-galeenka waa mid aad u hooseeya. Joojinta sigaarka Qaadashada cunto dheeli tiran Isticmaalka waxyaalaha qoraxda la iskaga ilaaliyo Miisaanka oo lagu ilaaliyo xad caafimaad qabo Kordhinta dhaqdhaqaaqa jirka Xaddidaadda isticmaalka khamriga 7 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran 6

BAARITAANKA KANSARKA WAXAA LOOGU TALAGALAY DADKA AAN LAHAYN WAX CALAAMADO AH HABA YARAATEE. Haddii aad leedahay calaamado, ha sugin casuumaad baaris- u sheeg dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan. Hoos ka eeg calaamadaha iyo astaamaha muhiimka ah: Codka oo weynaado, xabeeb ama qufac aan dhamaanayn Boogaha afka ama carrabka ee aan bogsoonin in ka badan saddex toddobaad In dhiig la qufaco Neeffa oo qofka ku dhegto Laqitaanka oo qofka dhibo Laab jeex ama dheefshiid xumo joogto ah Rabitaanka cuntada oo luma Dibbiro joogto ah Dhidid habeenkii ah oo aad u culus Rabitaanka cuntada oo luma Daal Miisaan dhimis aan la garanayn waxa keenay Xanuun aan la garanayn waxa keenay Buro aan caadi ahayn ama barar meel un jirkaaga ka mid ah Bar cusub ama wax isku beddela bar Nabar aan bogsanayn Isbeddel aan caadi ahayn oo ku yimaadda cabbirka, qaabka ama dareenka naaska, oo ay ku jiraan isbeddellada ibta ama maqaarka Isbeddelka mindhicirka, sida calool-istaagga, saxaro jilicsan ama in aad mar walbo saxarooto Saxara dhiig leh Dhiigbaxa xubinta taranka ee aan la garanayn waxa keenay, oo ay ku jiraan galmada ka dib, inta u dhaxaysa caadada ama dhalma joojinta ka dib Kaadidaada oo dhiig leh Kaadida oo ku dhibto Macluumaadka NHS: earth-europe nhs.uk/conditions/cancer MacMillan Cancer Support: earth-europe macmillan.org.uk Khadka taageerada: 0808 808 00 00 MacMillan Butterfly Centre at Epsom Hospital: Saacadaha furitaanka: Talaado – Jimco 9.30 am - 4.30 pm 01372 735 456 earth-europe epsom-sthelier.nhs.uk/cancer-information-and-support-centres Cancer Research UK (CRUK): earth-europe cancerresearchuk.org 0808 800 4040 Baarista Kansarka Mindhicirka: Websayt muhiim ah: earth-europe nhs.uk/conditions/bowel-cancer-screening Khadka caawinta: 0800 707 6060 (iyo in lagu dalbado qalabka baaritaanka FIT haddii ay da'dooda ka weyn tahay 75) Baaritaanka Kansarka Naasaha: Websayt muhiim ah: earth-europe london-breastscreening.org.uk –ku dhufo balamaha Qaybta Baarista Maxalliga ah: The Rose Centre, St George’s Hospital Baarista Maxalliga 0203 758 2024 (Isniin – Jimce 8 am – 7 pm, Sabti & Axad 8 am – 4 pm (marka laga reebo fasaxyada) Baarista Kansarka Afka Ilmo-galeenka: Websayt muhiim ah: earth-europe nhs.uk/conditions/cervical-screening Baaritaanka Kansarka Qanjirka Xaniinyaha: Websayt muhiim ah: earth-europe prostatecanceruk.org Kuwani waa qaar ka mid ah calaamadaha iyo astaamaha muhiimka ah ee kansarka. Laakiin haddii aad dareento wax aan caadi ahayn, waxaa fiican inaad u sheegto dhakhtarkaaga - xitaa haddii waxaasi aanay ku jirin liiskan. Xiriiro muhiim ah: Hoos waxaa ku qoran liiska ururada qaarkood oo aad ka heli karto macluumaad dheeraad ah ama aad caawimaad u raadsan karto Sawirka waxaa laga keenay websaytka Cancer Research UK: earth-europe cancerresearchuk.org/about-cancer/cancer-symptoms 8 9 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Caafimaadkaaga Hordhac: Comorbidities (cuduro badan la noolaashaha) waxay dhacdaa marka qofku leeyahay wax ka badan hal cudur oo ah cudurrada daba dheeraada iyo xaalad caafimaad oo ay isku dayayaan inay maareeyaan. Cudurada mar qura la wada qabi karo ee ka jira bulshada dhexdeeda waxaa kamid ah cudurada wadnaha, dhiig karka, cudurka macaanka, cudurada neefmareenka, caafimaadka dhimirka oo ay ku jiraan waallida, cudurada xubnaha iyo cudurada maskaxda. Xanuunadaan waxaa badanaa lagu maareeyaaa daawooyin badan (badanaa in ka badan 4 ama 5) tanina waa tusaale waxa loo yaqaano daawooyinka badan (polypharmacy). Comorbidities iyo polypharmacy waxaa sababay in jiraan kor u kaca dadka da'da ah ama marka bukaannada ay la nool yihiin xaalado caafimaad dhowr ah oo ah cudurrada muddada dheer taasoo ay kaga sii dari karto naafonimo iyo/ama daciifnimo. Waa lagama maarmaan in bukaanada daawooyinka badan qaata ay helaan dib u eegis daawo taaso lagu talinayo in la sameeyo ugu yaraan hal ama laba jeer sanadkii. Ujeedada dib u eegista daawadu waa in la hubiyo in dawooyinka bukaanka loo qoray si sax ah loo qaatay iyo in la qaatay waqtiga saxda. Waxay sidoo kale dib u eegis ku samaynaysaa sida ay wax ugu tartay bukaan kasta si loo qiimeeyo waxtarka ay u leedahy tayada nolosha. HORUMARINTA CAAFIMADKA: Horumarinta caafimaadka iyo ka-hortagga cudurrada ee dadka da'da ah faa'iido uma aha kaliya shakhsiga balse waxay sidoo kale faaido u leedahay dadka sii badanaya iyo NHS-ta. Waxa ugu weyn ee barnaamijyada noocaan ah ay diiradda saarayaan ayaa ah in dadka laga dhigo kuwa caafimaad qaba iyo in la bixiyo fursado lagu xoojiyo shakhsiyaadka si ay u doortaan dabeecada caafimaad qaba iyo in la sameeyo isbeddelo xog-ogaal ah si loo yareeyo khatarta ah in ay qaadaan cudurrada daba dheeraada. ADEEGYADA DEGAANKA: Waxaa jira adeeg bixiyeyaal badan iyo ilo xogeed si fudud loo heli karo si looga hortago loona maareeyo cuduro badan la noolashaha. Hal tusaale oo ka jira gobolka South West London, ayaa ah barnaamij waxbarasho habaysan oo la yiraahdo The Prevention Decathlon oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka inay iska ilaaliyaan in uu ku dhoco cudurada muddada dheer ee laga hortagi karo sida cudurrada macaanka iyo cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Gaar ahaan, Diabetes Prevention Decathlon (DPD), waa barnaamij toban toddobaad ah oo ah iskaa-isku-gudbi kaas oo u eegayo caafimadka si guud iyo waqtiyo la sameeyo dhaqdhaqaaq jireed oo la siiyo ka qaybgalayaasha si waji ka waji ah ama qaab muuqaal ah. Waxaa jira barnaamijyo badan oo la mid ah oo laga bixiyo guud ahaan South West London, kuwaas oo intooda badan la heli karo iyada oo loo marayo qaab ah iskaa-iskugudbi, waxaay bixiyaan kooxo firfircoon oo dadka garab qabta waxaana lagu heli karaa luqado badan. Fadlan eeg earth-europe tinyurl.com/222c94v8 si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. Caafimaadka dhimirku wuxuu ahaa walaac sii kordhaya gaar ahaan inta lagu jiray faafitaanka Covid-19 iyo ka dibba. Dadka qaangaarka ah ee degan Kingston, Merton, Richmond, Sutton iyo Wandsworth kuwaas oo la kulma dhibaatooyin xagga caafimaadka dhimirka ah oo dareemaya in aanay awoodin in ay la maareeyaan, kudaha South West London waxaa jira 2 xarumood oo ah kuwa soo kabashada caafimaadka dhimirka oo bixiya goobo ammaan ah, loo dhan yahay, bilaash ah oo jawi soo dhawayn leh. Labada xarumba waxay bixiyaan adeegyo oo uu qofku iska imaan karo mana u baahno balan qabsasho. Waxa kula kulmi doona dad furfuran oo aan ku dhageysan oo kaliya basle kuu noqon doono wehel waxayna ku siin doonaaan fursad aad kaga qaybgasho kooxaha taageerada daweynta iyo fadhiyada – macluumaad faahfaahsan ayaa laga heli karaa sionline ah halkaan earth-europe tiny.cc/klt2vz Sunshine Recovery Café 296a Kingston Road, SW20 8LX 07908 436 617 [email protected] Ka soo horjeedka saldhigga tareenka ee Wimbledon Chase oo ay geli karaan waddooyin bas oo kala duwan Ilaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Merton Uplift (isgudbin shakhsi ah), Merton CAMHS (da'yarta iyo dhalinyarada) iyo app-ka NHS-Go Wellbeing (16 - 25 sano jirka). Bogga soo socdaa waxaa ku jira liiska agabka/adeegyada kale ee waxtarka leh ee laga helo guud ahaan South West London: 10 11 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Think Action – Waxay bixisaa daawayn balaadhan iyo daaweynta hadalka ahtaasoo kaa caawin doonta inaad fahanto oo aad maareyso dhibaatadaada caafimaadka dhimirka. [email protected] 020 3823 9063 Getting It On – waxaa laga helaa macluumaad iyo adeegyo loogu talagalay 13-19-sano jirka ee ku saabsan arrimaha galmada iyo caafimaadka dhimirka, daroogada iyo khamriga iyo dhibaatooyinka xiriirka. earth-europe gettingiton.org.uk Talking Therapies – Merton waxay bixisaa daawayn nafsaani ah oo kala duwan oo ay ku jiraan daawaynta dabeecadda garashada iyo miyir-qabka. Si onlayn ah ayaad iskugu gudbin kartaa ama waad la hadli kartaa GP-gaaga si uu kuugu gudbiyo earth-europe mertonuplift.nhs.uk/psychologicaltherapies 020 3513 5888 Cinwaanka: Generator Business Centre, Miles Road, Mitcham, CR4 3DA One You Merton – Waa taageero maxalli ah oo soo dhaweyn fiican leh oo kaaa caawineyso inaad si fiican wax u cunto, dhaqdhaqaaq badan sameyso, joojiso sigaarka ama in aad yareyso cabitaanka khamriga. earth-europe oneyoumerton.org 020 8973 3545 YMCA – Barnaamijka Exercise Referral waa barnaamij jimicsi 12-usbuuc ah oo habaysan kaas oo bixiya kulamo fool ka fool ah oo lala yeesho khabiir ku takhasusay jimicsiga. Shuruudaha - 16+, ku nool ama ka shaqeeya Merton, sameeyo jimicsi wax ka yar 30mins todobaadkii, leh xaalad caafimaad (jidh ama dhimir ahaan) ama caafimaadka ayaa halis kujira miisaankaaga dartiis. earth-europe ymcastpaulsgroup.org/exercisereferral-programme YMCA Wimbledon 200 The Broadway Wimbledon SW19 1RY 020 8542 9055 [email protected] YMCA John Innes Youth Centre 61 Kingston Road Wimbledon SW19 1JN 020 8542 9055 [email protected] Y:Cube Mitcham George William Court Clay Avenue Mitcham CR4 1BB 07826 944272 [email protected] Health Watch Merton – Waxay taageero iyo macluumaadba siisaa bukaannada iyadoo u mareyso kooxaha taageerada - kuwaas oo qaba xanuunka macaanka ama kujira marxaladda hore ee macaanka 020 8685 2282 Cinwaanka: Healthwatch Merton, Vestry Hall, London Road, Mitcham CR4 3UD [email protected] LiveWell – Adeegyada qaab nololeedka caafimaadka qaba ee gudaha Merton Waxay bixiyaan inta badan adeegyada ka hortagga asaasiga ah ee cudurrada wadnaha iyo xididdada, oo ay ku jiraan adeegyo ay ka mid yihiin joojinta sigaarka, miisaan dhimista, dhaqdhaqaaqa jirka iyo kuwa kale. Shakhsiyaadka danaynaya waxay iskood isu gudbin karaan lataliye caafimaad oo ku siin karaa talo guud oo ku saabsan sidii aad u noqon lahayd qof caafimaad qaba oo aad u dejisan laheyd yoolalka la xiriira caafimaadka . Waxay ku siin karaan talo ku saabsan cunto caafimaad leh, yaraynta khamriga, fayoobida maskaxda iyo farsamooyinka dhimista walwalka, kordhinta dhaqdhaqaaqa jidhka iyo dhimista miisaanka. earth-europe nhs.uk/live-well WAA MAXAY FIRST CONTACT PRACTITIONER? FCPs waa dhakhaatiir ku takhasusay fiisiyoterabi oo leh xirfado shaqo oo caafimaad oo horumarsan kuwaas oo awood u leh inay bukaanka qiimeeyaan, baaraan, daaweeyaan kadibna guryahooda u diraan iyaga oo aan wax daawa ah istacmaalin waxayna wax ka qabtaan dhibaatooyin badan oo MSK ah. Ujeedka adeegga FCP ee ka jira PCN-geena, waa in bukaannada qaba dhibaatooyinka MSK ay helaan daryeel tayo leh maalmo gudahood marka ay la xiriiraan xarumaha GP-ga taasoo wanaajisa soo kabashadooda iyo in waqtiyada kaga luma aragtida GP-yadayada ay hoos u dhacdo howshaan la qabtay awgeed. MUXUU KU LUG LEEYAHY ADEEGA FCP? Kulamada FCP ayaa marka hore ku lug leh qiimaynta iyo baarista xanuunada bukaanka uu ka cabanayo. Intaa waxii ka dambeeyo FCP waxay awood u yeelan doonaan inay bixiyaan talooyinka ku saabsan in uu qofka kaligii ismaareeyo (ay ku jirto barnaamijka jimicsiga guriga) iyo u gudbinta kooxda fiisiyoterabida ee NHS haddii adeegyo fiisiyoterabi oo dheeri ah loo baahdo. FCP waxay sidoo kale qofka u gudbin karaan dhanka adeegyada daryeelka sare (dhakhtar takhasus leh) waxaa kale oo ay diraan baaritaano dheeraad ah (ay ku jiraan MRIyada iyo baadhista dhiiga) haddii in loo baahan yahy ay muuqato. MUXUUSAN KU LUG LAHAYN ADEEGGA FCP? Adeegga FCP kuma lug laha daawaynta gacmaha loo adeegsado (masaaj/ farsameyn), si kastaba ha ahaatee FCPyeena waxay aqoon u leeyihiin adeegyada gaarka ah iyo shirkadaha ka jira gudaha bulshada deegaanka waxayna tani u oggolaanaysaa inay bixiyaan talooyin cilmiyeysan haddii ay dareemaan in qaabkan daawaynta uu fududayn doono soo kabashada. DIB U-MILICSI (DHIBAATOOYINKA MSK EE KA DHEX JIRA CAAFIMAADDKA GUUD) Gudaha dalka UK, dhibaatooyinka murqaha iyo lafaha (MSK) ayaa inta badan lagu maareeyaa daryeelka aasaasiga ah, taasoo u dhiganta qiyaastii 14% La-talinta Dhakhtarka Guud (General Practitioner, GP). Kaalinta First Contact Practitioner (First Contact Practitioner, FCP) waxaa loo sameeyay in kor loogu qaado daryeelka bukaanada qaba dhibaatooyinka MSK, in la kordhiyo wax qabadka xarumaha GP-yada iyo in la horumariyo helitaanka adeegyada daryeelka aasaasiga ah. Lafaha Iyo Murqaha (Musculoskeletal) 12 13 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

FCP sidoo kale ma qori karaan dawo, si kastaba ha ahaatee xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin GP-yada iyo aqoonta daawooyinka ay leeyihiin awgeed, bukaannada waxay si fufud ku heli karaan dawo ka dib kulamada FCP haddii ay muuqato in loo baahan yahy. MAXAAD U ARKI FCP BEDDELKII GP? Qiyaastii 20% dadku waxay arkaan dhakhtar iyagoo ka cabanaya xanuunada qoorta, dhabarka, kalagoysyada ama murqaha waxayna badanaa ku qasban yihiin in ay sugaan in uu GP-gu gudbiyo si ay u helaan adeegyada fiisiyoterabiga bulshada si ay u maareeyaan xaaladooda. Ballamada uu ku qabsashaday maalmo gudahood iyo caawimaada hor dhaca ah ee FCP uu ka helay awgeed, bukaanku wuxuu ka badbaadayaa sugitaan dheer wuxuuna helayaa sida xogta sheegeyso fursadda ugu wanaagsan ee suurtogalka ah ee soo kabashada iyo safar fudud oo uu ku marayo wadada MSK ee NHS. SIDEEN BALLAN KU QABSAN KARAA SI AAN U ARKO FCP? Si ballan looga qabsato FCP, bukaanku wuxuu u baahan yahay oo kaliya in uu la hadlo qaybta soo dhoweynta ee xarunta GP-ga. Jaantuska geeska ka muuqda ayaa caawin kara bukaanka marka uu go'aan ka gaarayo inay tahay inuu arko FCP ama GP. GP-yadu waxay sidoo kale awoodaan inay bukaannada u gudbiyaan FCP, waxayna kala shaqeeyaan FCP-ga kiisas badan oo MSK ah. Ikhtiyaarka loo aado dhakhtarka ee la xiriira xanuunada MSK-ga ayaa had iyo jeer ah ikhtiyaar weli la siiyo bukaanka. SIDEE AYAY FCPS ISKUGU DHAFAN YIHIIN ADEEGA NHS MERTON PHYSIOTHERAPY EE CAADIGA AH? FCP-yadeenu waxay xiriir aad u fiican la leeyihiin adeegga fiisiyoterabiga ee NHS 'Connect Health' kuwaas oo sida caadiga ah saldhig ay u tahy Nelson Health Centre. Ballamo ayay ku bixiyaan qaab telefoon, muuqaal iyo fool ka fool ah. Bukaanno badan ayaa badanaa ku bilaabi maaraynta FCP, waxayna la sii wataan kooxda fiisiyoterabida ee NHS haddii daaweyn dheeraad ah loo baahdo. Waxay leeyihiin nidaam iskaa-isku-gudbi ah, taas oo lagu sameysan karo taleefoon ama iyadoo la istacmaalayo websaydkooda markaa ka dib FCP ama GP-yadeena ayaa awood u leh inay la xiriiraan haddii loo baahdo. HOOS U DHACA XAGGA MSK KA DIB DARYEELKA FCP Heerarka jawaabta dabagalka ee 1da, 2da iyo 3da bilood waxay ahaayeen 63%, 62% iyo 54% siday u kala horreeyaan Isbeddelka caalamiga ah ee calaamadaha MSK (oo lagu qeexay sida ka wanaagsan/aad kaga wanaagsan) laga soo bilaabo markii ugu horreysay ee bukaanku uu arkay FCP wax yar ayuu kasoo kacay 58% bishii 1aad wuxuu tagy 64% bisha 3aad Xadmiga xanuunka wuxuu hoos kaga soo dhacay baseline-ka celcelis dhan 2.8 BUKAANADA WAXA AY LA KULMEEN Aqbalaada bukaanka ee FCP aad bay u saraysay; 98% bukaanada jawaabta bixinaayay waxay sheegeen inay ku kalsoon yihiin kartida FCPs ay u leeyihiin in ay qiimeeyaan dhibaatadooda 95% waxay sheegeen inay heleen macluumaad ku filan oo ku saabsan is-daryeelka 93% waxay sheegeen inay heleen macluumaad ku filan oo ku saabsan xaaladdooda MSK Bukaannada waxay sheegeen in ay dareemayaan in shakhsi ahaan loo qaddariyo marka la eego'daryeelka iyo ixtiraamka' shaqaalaha caafimaadka guud iyo fahamka iyo wax ka qabashada FCP ee la xiriira dhibaatadooda ee. Safarka bukaanka Ma qabtaa xanuun saameeya qoorta, dhabarka, lafaha, kala-goysyada ama murqahaaga? HAA MAYA Balan ka qabso GP-ga MAYA HAA Balan ka qabso GP-ga MAYA Balan ka qabso GP-ga HAA Balan ka qabso FCP-da Ma dareemaysaa caafimaad darro hadda? Ma ku farxi lahayd inaad aragto dhakhtarka fiisiyoterabiga halkii aad ka arki laheyd GP-ga? Linkiga websaytka waa earth-europe connecthealth.co.uk/services/merton 14 15 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Tallaalku waa habka ugu amaansan ee carruurta looga ilaaliyo cudurrada halista ah. Cudurada qaarkood waxay dili karaan carruurta ama wuxuu caafimaadkooda u keeni karaan dhaawac waara. Tallaalku wuxuu u diyaariyaa jirka carruurta in uu la dagaallamo cudurrada haddii ay la kulmaan cuduradaas. Tallaalada waxay kiciyaan jirka si u soo saaro dheecaan kaas oo la dagaallama caabuqa. Tallaalka waxaa sidoo kale loo yaqaan "is-tallaalida", "jab" ama "durida". Barnaamijka Talaalka UK ee joogtada ah waxa uu bilaabmaa marka ilmuhu jiro sideed todobaad wuuna sii soconayaa ilaa dugsiga ay ka gaaraan ilaa da'da ku dhawaad saddex iyo toban jir. Laakinn BCGgu waxaa la siin karaa laga bilaabo waqtiga dhalashada waxaana bixiya isbitaalka ama kiliniga deegaanka haddii ilmahaagu u qalmo. Kalkaalisada Caafimaadka ee ka shaqeysa xarunta GP-gaaga ayaa bixin doonta inta badan tallaalada ka dibna kooxda Tallaalka Dugsiga ayaa la wareegi doonta marka ilmahaagu bilaabo dugsiga. Kalkaalisadaada Caafimaadka, GP-gaaga, Umulisadaada, Booqdaha Caafimaadka iyo Kalkaalisada Talaalka Dugsiga ayaa kaaga ja waabi doono su'aalaha dhici kara aad qabtid ee ku saabsan talaalka caruurnimada. In qaadashda tallaalka uu aad u sareeyo mooyaane, qaar badan oo ka mid ah cudurrada caabuqa halista ah ee aynaan hadda qabin, ayaa ka soo laaban doona qaybo ka mid ah adduunka oo ay weli ka jiraan. Haddii ay tani dhacdo, markaa carruurta ku nool deegaanka ee aan la tallaalin waxay halis ugu jiraan infekshannadan, dhibaatooyinkooda iyo xitaa dhimasho. Waxaa jira tallaalo carruurta ka ilaalinaya: Qoor-gooyaha, xiiq-dheerta, jadeecada iyo hargabka haddii un in yar ka sheegno. Jadwalka tallaalka Carruurnimada UK oo buuxa waxaa laga heli karaa hkaan: earth-europe tiny.cc/ult2vz Talaallada caruurnimada JECLOOW IYAGA, ILAALI IYAGA, TALAAL IYAGA! TAARIIKH NOLOLEEDKA NORTHWEST MERTON FCP– LACHLAN KERN Lachlan waa dhakhtar Australian ah oo ku takhasusay fiisiyoterabiga lafaha iyo murqaha oo jooga Surrey Physio, kaas oo inoo ahaa First Contact Practitioner ee PCN-geena ilaa Sebtembar 2020. Lachlan wuxuu hadda ka shaqeeyaa guud ahaan xarumaha Northwest Merton PCN ee ah Wimbledon Village Surgery, Wimbledon Medical Practice, Alexandra Surgery iyo Vineyard Hill Road Surgery. Sidoo kale wuxuu hogaanka u hayaa dhammaan FCPyada ee Merton Integrated Care Board. Tani waxay ku lug leedahay waxbaridda iyo hagidda dhakhaatiirta kale ee fiisiyoterabiga iyo isku xirka xirfadlayaasha kale ee daryeelka caafimaadka iyo adeegyada NHS si kor loogu qaado daryeelka FCP guud ahaan Merton. Markii laga hadlo noolashiisa ka baxsan fiisiyoterabiga… Lachlan waa ciyaaryahan tennis-ka aad u xiiseeya, si waali ah u taageera ciyaaraha Liverpool FC/Aussie wuxuuna aad u jecel socdaalka adduunka. 16 17 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Farmashiyahaaga iyo sida ay gacan uga geysan karaan horumarinta caafimaadkaaga Wadnaha iyo Xididdada dhiigga Waxaa jira siyaabo kala duwan oo aad taageero uga heli karto farmashiyaha xaafaddaada ama farmashi kuu dhow. Xirfadlayaasha tababaran ee daryeelka caafimaadka ahaan, waxay ku siin karaan talo caafimaad iyo daawooyin aan u baahneyn in uu dhakhtar kuu qoro daawadaas oo loo qaato cudurrada fudud ee kala duwan, sida qufaca, hargabka, cuna xanuunka, calool xanuunka iyo xanuunnada jirka. Haddii astaamaha xanuunku ay muujinayaan inay yihiin halis, farmashiistayaashu waxay leeyihiin tababar sax ah si ay u hubiyaan inaad hesho gargaarka aad u baahan tahay. Tusaale ahaan waxay kuu sheegi doonaan in aad u baahan tahay inaad aragto GP, kalkaaliye ama xirfadle caafimaad kale. Dhammaan farmashiistayaashu waxay tababar 5 sano ah u qaataan dhanka isticmaalka daawooyinka. Waxa kale oo loo tababaraa maaraynta cudurrada fudud iyo bixinta talo ku saabsan caafimaadka iyo fayoobida. Dhiig-karka ayaa ah khatarta ugu weyn ee istaroogga iyo khatarta ugu weyn ee wadna istaagga, wadna xanuunka iyo cudurrada kelyaha. Dadka qaba dhiigkarka ayaa saddex jibaar uga dhow inay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo istaroogga, waxayna laba jeer ugu dhow yihiin inay u dhintaan cuduradaan marka loo eego dadka aan qabin dhiig-karka. Cudurka wadnaha iyo xididdada dhiigga (Cardiovascular disease , CVD) ayaa ka mid ah sababaha ugu horreeya ee dhimashada degdegga ah ee gudaha England Wuxuu saameeyaa 7 milyan oo qof waxayna u dhigantaa 1.6 milyan oo ah waxa lafka qalaad lagu dhoho disability adjusted life years Dhiig-karka waa khatarta ugu weyn ee CVD Waa shanta khataro ee ugu sareeysa ee keena dhammaan dhimashada degdegga ah iyo naafanimada gudaha dalka England 5.5 milyan oo qof ayaa qaba dhiig-kar aan baaritaan lagu ogaanin gudaha dalka England CVD waa waxa ugu weyn ee keena sinnaan la'aanta caafimaadka wuxuuna masuul ka yahy qiyaastii 25% ee ah farqiga u dhexeeyo muddada la rajeynayo in ay dadka noolaadaan Shaqada insuliintu waa inay u ogolaato gulukooska (sonkorta) ee dhiigeena inay gasho unugyadeena oo ay tamar u soo saarto jirkeena. Maadaamaa insuliinku uu si fiican u shaqaynin heerarka sonkortu kor baay u sii kacayaan markaan cunno cuntooyinka karbohaydraydka iyo cabitaannada sonkorta leh. In heerarka gulukooska dhiiggaaga uu sareeyo si joogto ah waxay keeni kartaa dhibaatooyin xagga wadnahaaga, kelyaha, indhaha iyo cagaha. Labada nooc ee ugu waaweyn ee xanuunka macaanka waa nooca 1-aad & 2-aad. Waa nooca 2aad midka aadka u soo badanayo waxayna u dhigantaa ilaa 90% dhammaan kiisaska macaanka. Waxaa kale oo ay NHS-ka ugu kacdaa kharash dhan £25,000 daqiiqadii daawaynta dhibaatooyinka ay keento. Da'daada, qowmiyaddaada, taariikhda qoyska, xaaladaha caafimaad iyo miisaankaaga ayaa kordhin kara khatarta aad u yeelan karto macaanka. Akhbaarta wanaagsan ayaa ah inaad maareyn karto heerka gulukoosta dhiiggaaga hoosna aad u dhigi kartid halista cudurada wadnaha iyo baahidii loo qabi lahaa in aad dawo qaadato. GPgaaga, Kalkaalisadaada Caafimaadka, iyo Khabiirada Macaanka ee deegaankaaga ayaa halkan u jooga inay ku caawiyaan. Daaweynta waxaa ka mid ah cunista cunto caafimaad leh,in la noqdo qof firfircoon iyadoo la badinayo jimicsiga iyo in la yeesho miisaan caafimaad leh iyo dabcan joojinta cabbidda sigaar. Daawooyinka waxa lagu qaadan karaa kaniini ahaan iyo haddii loo baahdo irbado insuliin ah. Waxbarasho qaabaysan ayaa sidoo kale lagu talinayaa Diabetes UK na waxay sheegtay in "Caddaynta ay muujineyso in dadka helay waxbarashada iyo taageerada ay u badan tahay inay gaaraan yoolalkooda ayna adeegsadaan". Diabetes UK waa samafal cajiib ah oo muddo dheer soo jirtay oo loogu talagalay dadka qaba xanuunka macaanka. Halkan waxa aad ka heli doontaa macluumaad badan oo wata fiidiyowyo gaagaaban, ilo waxbarasho, talooyin ku saabsan cunidda cunta caafimaad leh iyo adeeg is dhexgal bulsho. Websaytkooda waxaa ku jira macluumaad ku saabsan laba koorso DESMOND iyo X-PERT gaar ahaan laagu talay galay dadka qaba nooca 2 aad ee macaanka. Merton waxay leedahay koorsooyin DESMOND maxalli ah oo aad uga qayb gali karto si muuqaal ah ama fool ka fool. MACLUUMAADKA XANUUNKA MACAANKA Macaanka waa xaalad aad halis u ah marka heerka sonkorta dhiigga ay aad u sarreyso. Sababta ayaa ah insuliinta uu sameeyo ganacaagu ayaan si fiican u shaqayn karin ama ganaca ayaan soo saarin insuliin ku filan. Xanuunka Macaanka Sameey intaad nooshahay! Caafimaadka Wadnaha iyo Xididdada dhiigga 18 19 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Maxaa kale ayuu farmashiyahaaga kugu caawin karaa? Farmashiyo badan ayaa furan ilaa waqti dambe iyo maalmaha fasaxa ah. Uma baahnid ballan qabsasho. Farmasiyaasha intooda badani waxay leeyihiin qol la-talin oo gaar ah halkaas oo aad shaqaalaha farmasiyaha kala hadli kartid arrimo iyadoon lagu maqleeynin. Adeegyada muhiimka ah Kuwani waa adeegyada ay bixiyaan dhammaan famasiyada bulshadu: Tuuritaanka Daawooyinka Aan La rabin H orumarinta Hab-nololeedka Caafimaadka leh T ilmaamidda Daryeel-bixiyeyaasha kale ee caafimaadka In lagugu taageero is daryeelka Bixinta daawada B ixinta daawooyinka ku celiska ah (adigoo ogolaansho ka sita GP-gaada) Dawooyinka ku celiska ah waxaa lagu bixin karaa 2 siyaabood oo kala duwan: In aad dalbato in dawada uu kuu ogolaado GP-ga mar kasta oo daawada kaa dhamaato. In aad dalbato daawada hal mar ka dibna GP-ga uu kuu oggolaado in aad dib u hesho daawooyinka adigoon u baahneyn oggolaanshaha GP-ga markasta oo daawadu kaa dhamaato. Si toos ah ayaa loogu dirayaa farmashiyaha, markaa uma baahnid inaad mar kasta dalbato. Waxa loo yaqaanaa bixinta elektarooniga ah ee daawooyinka ku celiska ah. Xarunta GP-ga ama farmashiyaha ayaa ku ogeysiin doona marka aad u baahan tahay inaad dib u dalbato daawadaada. Labada jeerba, waxaad: Dooran kartaa farmashiye gaar ah (farmashiye aad dooratay) si aad u soo qaadato daawooyinkaaga wakhti kasta Soo wici kartaa ama la xiriiri kartaa farmashiyaha si oonlayn ah dhowr maalmood ka hor inta aysan daawadu kaa dhammaan si aad u hubiso in dawadaadu diyaar u tahy in la soo qaato Go'aan ka gaari kartaa halka aad ka qaadanan laheyd mar kasta oo daawo laguu soo qoro Waxaa lagu siin doonaa warqad koobi ah oo leh baakoodh oo aad geyn karto farmashi kasta oo ku yaal England, ama farmashiyaha ayaa heli karaa daawadaada isagoo isticmaalaya lambarkaaga NHS ka Adeegyada heerkoodu sareeyo waa adeegyada ay bixiyaan farmasiyada bulshada badankooda: Dib u eegista Isticmaalka Qalabka Adeegga Latalinta ee Farmashiyaha Bulshada (CPCS) oo ku saabsan cudurrada fudud iyaga oo kuu diri karo inaad la kulanto farmashiistaha si aad la-talin uga hesho rugtaada caafimaadka ama iyada oo loo marayo NHS111 Adeegga Latalinta ee Farmashiyaha Bulshada (CPCS) oo ku saabsan sahayda degdega ah ee dawooyinka ku celiska ah iyadoo loo marayo NHS111 Talaalka hargabka Baaritaanka Cagaarshowga C Baaritaanka lagu raadinayo wax xaalad dhiig-kar ah (sida kor ku xusan) Adeegga Daawooyinka Cusub (New Medicines service, NMS) Waydii farmashiistahaaga sida ay kuu caawin karaan marka laguu qoro daawooyin cusub oo loo istacmaalo xanuunnada soo socda – neefta – cudurada sambabada ee daba dheeraada (chronic obstructive pulmonary disease, COPD) – nooca 2-aad ee xanuunka macaanka – dhiig karka – dadka la siiyay daawo cusub oo dhiiga khafiifisa Adeegga Dawooyinka Bukaanka la soo saaray (Discharge Medicines Service, DMS) waxay taageero ka siiyaan bukanada cakiran dhanka daawooyinkooda marka isbitaalka laga soo saaro kadib. isbitaalka ka dib Sida loo istacmaalo qalabka loo yaqaano stoma Joojinta cabista sigaarka Talo-bixin xagga caafimaadka galmada iyo ka-hortagga uur-qaadista ee degdegga ah Sidee bay farmashiyeyaasha bulshadu kuu caawin karaan? Kooxaha farmashiyadu waxay baaritaanka cadaadiska dhiigga ah u sameyn karaan tiro balaaran oo bukaanna ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxqabadyada ku salaysan farmasiga bulshda si looga hortago, loo ogaado loona maareeyo dhiigkarka ayaa ah wax yaalaha ay ku talinayaan hagida qaranka ee (Public Health England, PHE) iyo NHS England. Yaa lagu samayn karaa baaritaanka dhiigkarka ee farmashiyaha xaafadooda? Shuruudaha ka mid noqoshada Dadka qaan gaarka ah ee da'doodu tahay 40 sano iyo wax ka badan oo aan lahayn cudurka dhiig-karka Waxaa ka reeban, dadka da'doodu ka yar tahay 40 sano oo ka soo jeeda qoys taariikh u leh dhiig-kar (go'aanka farmashiistaha) Iskeenay ama iskii u codsaday oo u dhexeeya 35-39 jir (farmashiistaha go'aanka) Qof qaan gaar ah oo uu soo gudbiyay dhakhtar guud Waxaa bixinta daawooyinka ku celiska ah qayb ka ah, in farmashiistaha uu ku weydiin doono haddii aad wax dhibaato ah ama waxyeellooyin ah kala kulanto daawooyinkaaga iyo in ay, haddii ay munaasab tahay, kaala hadli karaan arintaan adiga iyo GP-gaaga. Xaqiiqooyin: Qiyaastii saddex meelood meel dadka qaba dhiig-karka ma oga inay qabaan 20 21 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

The Merton Social Prescribing Service ayaa u dabaaldegay sannad-guuradii 5aad markay aheyd Oktoobar 2022. Waxaan nahay mid ka mid ah adeegga SP ee UK ee jiray muddada ugu dheer sidoo kalena kooxdeena Isku-xirayaasha Bulshada (Link Workers) waxay taageertaa bukaanno ka kala socda 6da goobood ee Merton PCNs (oo ka kooban 22 xarumo caafimaad) oo qaba baahiyo aan ahayn mid caafimaad. Asxaabteena waxay xirfado u leeyihiin xagga cilmi-nafsiga, la-talinta, caafimaadka, waxbarashada ama daryeelka bulshada. Waxaad codsan kartaa ilaa 6 ballamood oo ah 60 daqiiqo kulan kasta ood la yeelato Iskuxiraha Bulshada. Isku-xiraha Bulshada ayaa ku siin doona taageero iyo hagitaan waxayna tilmaam kugu hagaajin karaan boqolaal waxqabadyo oo ka jira bulshada dhexdeeda ah. Waxaan isticmaaleynaa hab ku saleysan baahida gaarka ah ee qofka iyo in la eego waxyaabaha uu ku fiican yahy qofka, taas oo macnaheedu tahay in adeeggu uu gabi ahaanba ku saabsan yahay baahiyahaaga iyo waxyaabaha aad doorbidayso. Intii u dhaxaysay Abriil 2021 iyo Maarso 2022, waxaa nasoo gaaray 2892 gudbin cusub oo ah Daawenta bilaa daawada ah ee Bulshda. Sababaha ugu sarreeya ee gudbinta aya aheyd gudbinta dhanka Caafimaadka Dhimirka oo leh 1007 gudbin iyo 538 gudbin oo ah Go'doominta Bulshada. Waxaan jeclaan lahayn inaan ku barno 3 fikradood si looga hortago go'doominta bulshada, si loo wanaajiyo Caafimaadka Dhimirka iyo xoojinta xiriirka bulshada. Marka hore, ku qaado ugu yaraan 15 daqiiqo maalin kasta la hadalka ama warqad u qoridda qof aad jeceshahay. 15 daqiiqo waqti badan uma eka, laakiin marka si joogto ah loo sameeyo, wakhtigaas yar ayaa wax weyn ka bedeli kara sida aan u dareemeyno in aan nahy dad wehel haysto. Marka labaad, hoos u dhig waxyaabaha mashqyuulka badan keena dadkana ahmiyad sii. Eeg eegidda qoralaada baraha bulshada ama baarbaaridda iimayllada waa u caddahay qofka aad la hadlayso. Tayada cilaaqaadkeena dadka la leenahy waa muhiim. Tan Saddexaad, raadi siyaabo aad ugu adeegto dadka kale. Waxaan wici karnaa deriska oon weydiin karnaa xaaladooda si aan u hubinno in ay fiican yihiin. Qof baan cunto u geyn karnaa. Waxaan warqad u diri karnaa dadka si aan u ogeysiino inaan ognahay inay ku jiraan waqti adag oo aan iyaga ka fekereyno. Waa wadiiqo fudud laakiin awood badan oo aan u istacmaali karno inaan u adeegno dadka kale. Haddii aad u baahan tahay inaad kala hadasho Isku-xiraha shaqalaha wixii ku saabsan arrimo aan ahayn caafimaad ama dhibaatooyin laga yaabo inaad qabto, fadlan maanta ballan ka qabso Xaruntaada Caafimaadka. Adeegyada kale ee laga yaabo inaad hesho farmasiyada Tallaalada safarka (kuwa leh xarumaha socdaalka) Talaalka xarumaha gaarka loo leeyahy Taageerada caafimaadka si guud loo eegayo Hubinta fayoobida Farmasiyadu waxay ku siin karaan talo daawayn oo ku saabsan xanuunnada caadiga ah iyo dhaawacyo fudud, sida: - xanuuno gaar ah iyo mid guud - cune xanuun - qufac - hargab - hargab - dhego xanuun - caabuqa kaadiheysta - finanka maqaarka - xanuunka ilka soo bixidda - indhaha gaduudan Haddii aad rabto inaad iibsato daawooyinka aan u baahneyn in uu dhakhtar qoro, farmashiistaha iyo kooxdooda ayaa kaa caawin kara inaad doorato. Isticmaalka daawada neefta iyo talo ku saabsan Baarista iyo daawaynta xanuunka loo yaqaano Chlamydia ee laisku qaadsiyo galmada Adeegga istacmaalka daroogooyinka, oo ay ku jiraan barnaamijka qofka lagu caawinaayo irbad iyo saliingo nadiif ah si uu u qaato walxahaas Adeegga maareynta miisaanka Iyo taageero kale oo kala duwan oo gaar u ah farmashi kasta Isku gudbinta Bulshada– Caafimaadka Dhimirka 22 23 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Iyadoo ujeeddadu tahay in lagu dhimo qaar ka mid ah culeesyada xarumada caafimaadka GP-ga ay inta badan la kulmaan, iskaashiga aynu la leenahy Xiriirkeena Merton Health iyo London Ambulance Service ayaa la kulmay bilowga adeegga booqashada guriga ee kalkaaliyaasha caafimaadka, oo hadda ku jira sannadkii 2aad ee uu shaqeynayo. Iyagoo ku shaqaynaya si is-beddelid ah kuna qalabaysan boorsooyinkooda caafimaadka, waxa laga yaabaa inaad aragtay kalkaaliyaasheena; Ben iyo Luke, iyaga oo wata baaskiilka korontada ku shaqeeya, iyagoo socdaal ku tegaya guri walbo hor iyo gadaal waddooyinka Merton iyagoo booqanaya bukaannada degan agagaarka PCN-geena. Luke ayaa sidaan ka yiri kalkaaliyaasha caafimaad iyo Adeegga booqashada guriga ee PCN: 'Kalkaaliyaasha caafimaad inta badan waxay khibrad u leeyihiin daryeelka caafimaad ee xanuunada daran ee degdegga ah (xaaladaha ku bilawda si degdeg ah oo guud ahaan wakhti gaaban lagu maareeyo). Waxay awoodaan inay sameeyaan indhoindheyn dhamaystiran, iyo sidoo kale baarista dhiigga, si loo aqoonsado digniino tusinaya in uu jiri karo kor u kac ama ay jiri karto baahi loo qabo daaweyn dheeraad ah . Waxay heli karaan dariiqooyinka gudbinta sida daaweynta bilaa daawada ah ee bulshada, fiisiyoterabi iyo farmashiistaha. Waxay awoodaan inay la shaqeeyaan Dhakhtarkaaga Guud (General Practitioner, GP) ka dib qiimeyntaada si ay daawooyin ugu soo diraan farmashiyahaaga aad dooratay, laakin qaar ka mid ah kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa awood u leh inay si madax banaan daawo u qoraan. Adeegga Booqashada Guriga – Kalkaaliyaal Caafimaad Hagaha Adeegyada Iskaa Isku-gudbida ah Haddii aad kalkaaliye caafimaad la leedahay ballan ama booqasho guri oo ku saabsan xaalad caafimaad oo aan la aqoonsan, waxaad filan kartaa in lagu weydiyo taariikh faahfaahsan oo ku saabsan caafimaadkaaga, baaritaan / qiimeyn iyo wax is weyndiin ku saabsan cudurkaaga iyo maareyntiisa.' Kalkaaliyayaasheena caafimaadka ayaa diyaar u ahaa inay gacan ka geystaan qiimeynta iyo daawaynta bukaanno kala duwan oo bulshada dhexdeeda ah, oo ay ku jiraan; kuwa la ildaran xanuunada muddada dheer, bukaannada nugul sida dadka waayeelka ah / bukaanka jilicsan ama kuwa dhowaan laga soo saaray isbitaalka. Marka bukaanka la qiimeeyo, waxay markaas kala shaqeeyaan GP-yadeena xagga daryeelka dabagalka munaasabka ah, gudbinta xigta ama si ay uga caawiyaan adeegyada daryeelka ee jira. Hoos waxaa ku yaal tusaaleyaal ka mid ah hawlaha Age UK Merton ee kalkaaliyaasheena caafimaadku ay hore u gudbin ugu sameeyeen: Mid week lunches earth-europe tiny.cc/7mt2vz Social club (Maalmaha Isniinta& Maaalmaha Arbacada) + Craft Club (maalmaha Talaadada) earth-europe tiny.cc/8mt2vz Jimicsi ku salaysan kursi (khadka zoom ka Talaadada & Arbacada qof ahaan) earth-europe tiny.cc/9mt2vz Tilmaamidda Xiriirada Muhiimka ah Hagaha Merton earth-europe directories.merton.gov.uk MVSC Find a group Xog onlayn ah oo ku saabsan macluumaad inta badan ah adeegyada/hawlo maxalli ah oo ay bixiyaan qaybta mutadawaciinta iyo qaybta bulshada earth-europe mertonconnected.co.uk Care4me Xog onlayn ah oo ku saabsan macluumaad inta badan ah adeegyada/ hawlo maxalli ah oo ay bixiyaan qaybta mutadawaciinta iyo qaybta bulshada earth-europe mertonconnected.co.uk CarePlace Ilaha dhexe ee London ee ku saabsan daryeelka iyo adeegyada bulshada, macluumaad iyo hagid (oo ay u xilsaartay West London Alliance) earth-europe careplace.org.uk HELPLINES Hel khad caawimo maxalli ah ama heer qaran oo la ansixiyay earth-europe helplines.org/helplines Surrey Info Point Ka hel adeegyo guud ahaan Surrey earth-europe surreyinformationpoint.org.uk Advice Local Ka hel caawimo dhanka kaalmooyinka, shaqada, lacagta, dhibaatooyinka guriyeynta iyo qaar kaloo badan earth-europe advicelocal.uk Adeegyada Talobixinta Citizens Advice Lambeth and Merton earth-europe caml.org.uk Khadka Caawimaada Citizens Advice si aad u dalbato Universal Credit Caawimaada si aad u dalbato adeeg waxa ay kugu taageeri kartaa marxaladaha hore ee dalbashada Universal Credit, laga bilaabo codsiga, ilaa lacag bixintaada ugu horreysa. 0800 144 8 444. Macluumaadka ku jira daabacaadan wuxuu ahaa mid sax ah Febraayo deeda 2023. Websaytyada ku jira guud ahaan buuga, waxay ku geynayaan bogaggooda interneetka. Xaaladaha qaarkood waxaad u baahan doontaa inaad baarbaarto si aad u hesho macluumaadka gaarka ah ee degaankaaga. FURO Websayt Telefoon Iimayl FADLAN OGOW Kani waa un liiska qaar ka mid ah adeegyada laga heli karo Merton ama dalka oo dhan. Adeegyo kale ayaa jira waxaanan kugula talineynaa inaad sameyso cilmi-baaris adiga kuu gaar ah oo aad doorato adeeg aad u aragto inuu munaasab kuu yahay. 24 25 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Khadka Civil Legal Aid Advice Si aad u eegto in aad qalanto gargaar sharci wac: 0345 345 4 345. Furan Isniin - Jimco 9am - 8pm, Sabti 9am - 12:30pm. Wicitaanadu lacagtooda waa 4p daqiiqadii - ama waxaad waydiisan kartaa inay dib kuu soo wacaan. earth-europe gov.uk/civil-legal-advice South West London Law Centres Waxay bixiyaan xarumo laga helo talo sharci oo bilaash ah oon u baahneyn balan qabsasho iyo gargaarka sharciga kuwa u qalma. earth-europe swllc.org Find Legal Aid/Family Mediator Hel la-taliyaha gargaarka sharciga ama dhexdhexaadiyaha qoyska. earth-europe find-legal-advice.justice.gov.uk Taageerada Murugada xilliga geerida Grief Support Wimbledon Guild – waxay bixisaa adeeg fool ka fool ah kaas oo kugu caawin kara talo, macluumaad iyo taageero ka hor iyo ka dib murugada. earth-europe wimbledonguild.co.uk Talo Bixinta Deynta Caawinta deynta, koorsooyinka lacagta, xirfadaha nolosha, naadiga shaqada. earth-europe capuk.org/get-help Springfield Law Centre Hay'ad samafal oo madax-banaan oo bixisa talo khaas ah oo ku saabsan guriyeynta, daryeelka bulshada, deynta iyo arrimaha gargaarka daryeelka. Wixii talo kaalmo/racfaan/ maxakamad ah la xidhiidh la taliyaha sharciga Dennis 0203 513 3931. earth-europe springfieldlawcentre.org.uk MCIL Waxay adeegyo iyo fursado siiyaan dadka waaweyn ee naafada ah iyo la-talin iyo u doodid. earth-europe mertoncil.org.uk Carers Support Merton Taageerada daryeelayaasha aan rasmiga ahayn. earth-europe csmerton.org SSAFA Waxay bixiyaan talo-bixin khibrad leh, aan qofka la eedeeynaynin oo soo dhoweyn leh, iyo sidoo kale adeegyo wax ku ool ah oo kala duwan kuwaas oo daboolaya arrimo badan oo bulsho, qoys iyo maaliyadeed. earth-europe ssafa.org.uk/london-south-west Bluecross waxaa dadka qaata kaalmada ku xiran awoodooda dhaqaale ee degan agagaarka koodhka boostada qaarkood ee guud ahaan Merton la siiyaa daryeelka caafimaadka xoolaha iyo qallimo oo si BILAASH ah (wax baxsasho oon qasab ahayn waa la codsanayaa ) lagu bixiyo. earth-europe bluecross.org.uk/merton SAILINE Khadka la-talinta & Macluumaadka ee badmaaxiinta waa adeegga ay bixiso Citizens Advice oo looga talagalay kaliya badmaaxiinta. Talo bilaash ah oo ku saabsan kaalmooyinka, deynta, guriyeynta iyo qaar kaloo badan. earth-europe sailine.org.uk Advice4renters (Advice4Renters, A4R) waa ururka kaliya ee latalinta ee London ka jira ee loogu talagalay kiraystayaasha guryaha gaarka loo leeyahy, gargaarka sharciga iyo kaalmada jaban ee la heli karo. earth-europe advice4renters.org.uk U doodista Madaxbanaan ee Cabashooyinka Caafimaadka loogu talagalay dadka raba inay ka dacwoodaan daawaynta hoos timaada NHS-ta. earth-europe nhs.uk – raadi advocate. Xuquuqda Haweenka Khadadkeena telefoonka talooyinka ee bilaashka ah waxay haweenka siiyeen talooyin ku saabsan arrimo sharci oo kala duwan oo ay ku jiraan rabshadaha qoyska, xiriirka carruurta, xadgudubka galmada iyo nidaamyada cadaaladda dembiyada iyo socdaalka iyo magangalyada iyo sidoo kale arrima kale oo sharciga ah oo ka dhashay burburka xiriirka. earth-europe rightsofwomen.org.uk/get-advice Taxaid Talo qarsoodi ah oo bilaash ah oo ku saabsan canshuurta dadka dakhligoodu yar yahay ee ku saabsan arrimo sida deynta canshuurta ama iskaa u shaqeysiga. earth-europe taxaid.org.uk Transport For All Khadka la-talinta gaadiidka ee la heli karo ee naafada iyo waayeelka, talooyinka iyo foomka codsiga ee Freedom Pass, Blue Badge ama Diala-Ride. Samaynta Racfaannada haddii codsiyada la diido, Samaynta cabasho ku saabsan dhibaatooyinka ku soo wejihi kara markaad safarka ku jirto, Ka caawinta qorsheynta safarkaaga agagaarka London. earth-europe transportforall.org.uk Fosterline Fosterline waxay bilaash, qarsoodi, dhexdhexaad iyo taageeraba u yihiin Dadka Daryeela Caruurta aysan dhalin iyo qof kasta oo ku fekeraya inuu noqdo mid ka mid ah dadkaas. earth-europe fosterline.info TFL Sarah Hope Line Waxay caawimo iyo taageero dhamaystiran siiyaan qof kasta oo laga dhintay ama ay soo gaartay dhaawac noolashoodu wax ka beddelay oo ka dhashay shil la xiriira adeegyada Transport for London . earth-europe tfl.gov.uk –raadi ‘Incident support service’ Xadgudubka dadka waaweyn Khad telefoon oo bilaashka ah oo dadka lagu caawiyo, kaas oo siiya macluumaad, talo iyo taageero dhibanayaasha iyo kuwa kale ee ka walaacsan ama la kulmay xadgudub, dayac ama ka faa'iidaysiga dhaqaale. 080 8808 8141. earth-europe wearehourglass.org Disability Law Service Waxay talo sharci oo bilaash siiyaan dadka naafada ah & MS iyo daryeelayaashooda si loo hubiyo inay helaan xuquuqdooda iyo cadaalada. Waxay talo ka bixiyaan daryeelka bulshada, shaqada, kaalmooyinka guryeynta iyo daryeelka. earth-europe dls.org.uk ESOL & Socdaalka Learn English Together Macluumaadka ku saabsan dhammaan casharada Ingiriisiga lacag-la'aanta ah iyo kuwa lacagta lagu bixiyo ee gudaha Merton. Waxay gacan ka geysaneysaa in la qiimeeyo heerka Ingiriisiga iyo in la garto fasalka saxda ah ku ah. earth-europe learnenglishinmerton.org Migrant Families Network Hab lagu ogaanayo in qofku isticmaali karo adeegga bulshada, in uu codsan karo kaalmo iyo in uu raadsan karo talo sharci. earth-europe migrantfamilies.nrpfnetwork.org.uk Migrant Help Khadka caawinta magangalyo doonka iyo maalgalinta Home Office si loo taageero muwaadiniinta EU-da ee nugul si ay u codsadaan deganaansha ku meel gaar ah ama joogta ah. earth-europe migranthelpuk.org CARAS CARAS waa hay'ad samafal oo bulsheed oo ku taala Tooting. Waxaan taageernaa dadka asal ahaan ka soo jeeda qaxootiga iyo magangelyo-doonka ee ku nool South-West London. Inta badan dumarka. earth-europe caras.org.uk (South London Refugee Association, SLRA) Waxay talo cilmiyeysan, adeegyo khubaro iyo taageero wax ku ool ah siiyaan dadka qaxootiga, magangalyo-doonka iyo soogalootiga nugul ee ku nool South London. Waxay sidoo kale magangalyodoonka siiyaan xiisado ESOL ah yo hawlo si bilaash ah. earth-europe slr-a.org.uk 26 27 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

Adeegga Xuquuqda Haweenka Soogalootiga ah Kani waa adeeg talobixin qarsoodi ah oo loogu talagalay kuwa la shaqeeya haweenka soo-galootiga ah ee nugul. Ma awoodaan inay dumarka siiyaan talo si shakhsi ahaan. Waxay talo ku saabsan guryaha iyo ikhtiyaarada taageerada ka siiyaan dhammaan muhaajiriinta, qaxootiga iyo magangelyodoonka, oo ay ku jiraan haweenka fiisahooda ka dhacay - KALIYA HAWEENKA UURKA AH IYO HOOYADA CUSUB. earth-europe maternityaction.org.uk/migrantwomens-rights-service Find Immigration Adviser talo socdaalka ku saabsan haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo helitaanka ogolaanshaha joogitaanka UK. earth-europe gov.uk/find-an-immigration-adviser Fiisaha iyo socdaalka macluumaad ku saabsan in laga shaqeeysto, wax lagu barto laguna noolaado gudaha UK. earth-europe gov.uk/browse/visas-immigration Shaqo u-qalmidda iyo Tadawacnimada Better Working Futures Barnaamijka Caafimaadka & Shaqada ee Reed in Partnership, Isuduwayaasha Social Prescribing ayaa si toos ah ugu gudbin karo rafiiqa gudbinta ahaan - aagga Merton, Sutton, Kingston, Richmond & Croydon. earth-europe betterworkingfutures.co.uk Find Your Job Centre Raadi your local job centre. earth-europe find-your-nearest-jobcentre.dwp. gov.uk National Career Service Macluumaad, talo iyo tusaale kaa caawinaya inaad go'aan ka gaarto waxbarashada, tababarka iyo shaqada. earth-europe nationalcareers.service.gov.uk Job Centre – Job Match Istacmaal adeegga ‘Find a job’ si aad u raadsato oodna u codsato shaqo. earth-europe gov.uk/find-a-job Love London Working Waa mashruuc shaqo u qalmid oo loogu talagalay qof kasta oo deegaan ah oo ka weyn 16 sano shaqa la'aanna ah. earth-europe lovelondonworking.com Working For Carers Working for Carers waa mashruuc London oo dhan ah kaas oo taageera daryeelayaasha aan mushaharka qaadan, da'doodu tahay 25 ama ka weyn, si ay ugu dhowaadaan shaqo in ay helaan. earth-europe camdencs.org.uk AIM4WORK Waa barnaamij shaqo u qalmid oo dadka takhasuska leh ah oo BILAASH ah oo loogu talagalay dadka qaba xaaladaha caafimaadka dhimirka ee bulshada ku badan ee ku nool South London, North London and East London. Websaydku wuxuu u baahan yahay in la cusboonaysiiyo, Aim4work waxaa la kordhiyey 2 sano oo dheeraad ah laga bilaabo Maarso 19-keeda. earth-europe shaw-trust.org.uk ACAS Adeegga La-talinta, Heshiisiinta iyo Dhexdhexaadinta (Advisory, Conciliation and Arbitration Service, Acas) Waxay macluumaad bilaash iyo dhexdhexaadba ah iyo talo ka siisaa loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha dhinac kasta ee xiriirka goobta shaqada iyo sharciga shaqada. earth-europe acas.org.uk Access To Work Waxay bixisaa talo iyo taageero si looga gudbo caqabadaha shaqada la xiriira. Waxay bixin kartaa ogolaansho maalgelin ku aaadan caqabadaha dheeraadka ah ee shaqada ee ka dhasha naafonimada ama xanuun caafimaad oo mudda dheer ah. earth-europe generate-uk.org/service-2/accessto-work Peer Circles Waxay bixisaa caawimo wax ku ool ah iyo mid shucuureed si loo yareeyo go'doominta bulshada, loo dhisto xirfado iyo kalsooni, iyo ka shaqaynta xagga shaqa, Isku-duwayaasha Social Prescribing waxay u gudbin karaan barnaamijkan. earth-europe stgilestrust.org.uk/page/peer-circles DO-IT Raadso fursadaha tabarrucaadka ee kugu dhow. earth-europe doit.life/volunteer Wax qabadyo/ Taageero Wax ku-oolka ah Merton Vision Adeegyo taageero iyo wax qabadyo kala duwan ah oo loogu talagalay dadka Merton degan ee si fiican wax u arkin ama indhaha la'. earth-europe mertonvision.org.uk Wimbledon Guild Waxay martigeliyaan oo ay bixiyaan adeegyo kala duwan laga soo bilaabo la-talinta, ilaa hawlaha iyo saaxiib sameysiga. earth-europe wimbledonguild.co.uk AGE UK Merton Adeegyo iyo wax qabadyo kala duwan oo loogu talagalay dadka waaweyn. earth-europe ageuk.org.uk/merton Merton And Morden Guild Wax qabadyo loogu talagalay dadka waaweyn. earth-europe en-gb.facebook.com/mandmguild Volunteer Merton Fursado tabarrucaad ah oo ka jira Merton iyo wixii ka shishe. earth-europe mertoncommunityhub.org.uk Merton Mencap Waxay taageero iyo adeegyo u fidiyaan carruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee qaba naafonimada waxbarashada iyo daryeelayaashooda qoyska ee ku nool gudaha London Borough of Merton. earth-europe mertonmencap.org.uk Howlaha Merton Library Munaasabado iyo hawlo laga qabto dhamaan Merton Libraries. earth-europe libraries.merton.gov.uk Macallin Baaskiil – Bikeability Xiisado ama koorsooyin baaskiil barasho ah oo bilaash ah oo loogu talagalay dadka waaweyn iyo carruurta ee ku nool gudaha Merton & Croydon. Macallinka Baaskiilku wuxuu gudaha London ku fidiyaa adeegyo baaskiil barasho ah ee kala leh dhammaan heerarka baaskiill wadida, laga soo bilaabo kuwa aan ka xeyn karin baaskiilka ilaa wadayaasha khibradda leh. earth-europe cyclinginstructor.com NEMCA North East Mitcham Community Association – Wax qabadyo loogu talagalay da' kasta laga bilaabo dhallaanka ilaa dadka waaweyn iyo qof kasta oo u dhexeeya. earth-europe nemca.org.uk Merton Home Tutoring Waxay casharro Ingiriisi ah oo bilaash ah ka bixiyaan gudaha iyo agagaarka Merton oo loogu talagalay dadka aan awoodin inay helaan casharrada kulliyadda rasmiga ah, sababa kharash, xaalado qoys ama naafanimada awgeed. earth-europe mhts.org.uk MUSHKIL AASAAN Mushkil Aasaan waa wakaalad daryeel oo siisa adeegyo daryeel dadka guriga jooga iyo sidoo kale latalin ku baxda luqado kala duwan oo ay ka mid yihiin Urduu, Gujarati iyo Soomaali in yar un haddii aan sheegno. earth-europe mushkilaasaan.com South Wimbledon Community Association Howlo, kooxo socod-barad iyo carruurba ah, Tababarrada xeeladda dagaalka, dadka waayen, kooxaha caqiidada iyo kuwa miisaanka ilaaliya. earth-europe southwimbledoncommunity.com South London Cares Hawlaha bulshada iyo saaxiib sameysiga, is waafajinta dadka waaweyn iyo dhalinyarada ee ku nool gudaha Southwark & Lambeth. earth-europe southlondoncares.org.uk/activities 28 29 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=