WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON

Caafimaadkaaga Hordhac: Comorbidities (cuduro badan la noolaashaha) waxay dhacdaa marka qofku leeyahay wax ka badan hal cudur oo ah cudurrada daba dheeraada iyo xaalad caafimaad oo ay isku dayayaan inay maareeyaan. Cudurada mar qura la wada qabi karo ee ka jira bulshada dhexdeeda waxaa kamid ah cudurada wadnaha, dhiig karka, cudurka macaanka, cudurada neefmareenka, caafimaadka dhimirka oo ay ku jiraan waallida, cudurada xubnaha iyo cudurada maskaxda. Xanuunadaan waxaa badanaa lagu maareeyaaa daawooyin badan (badanaa in ka badan 4 ama 5) tanina waa tusaale waxa loo yaqaano daawooyinka badan (polypharmacy). Comorbidities iyo polypharmacy waxaa sababay in jiraan kor u kaca dadka da'da ah ama marka bukaannada ay la nool yihiin xaalado caafimaad dhowr ah oo ah cudurrada muddada dheer taasoo ay kaga sii dari karto naafonimo iyo/ama daciifnimo. Waa lagama maarmaan in bukaanada daawooyinka badan qaata ay helaan dib u eegis daawo taaso lagu talinayo in la sameeyo ugu yaraan hal ama laba jeer sanadkii. Ujeedada dib u eegista daawadu waa in la hubiyo in dawooyinka bukaanka loo qoray si sax ah loo qaatay iyo in la qaatay waqtiga saxda. Waxay sidoo kale dib u eegis ku samaynaysaa sida ay wax ugu tartay bukaan kasta si loo qiimeeyo waxtarka ay u leedahy tayada nolosha. HORUMARINTA CAAFIMADKA: Horumarinta caafimaadka iyo ka-hortagga cudurrada ee dadka da'da ah faa'iido uma aha kaliya shakhsiga balse waxay sidoo kale faaido u leedahay dadka sii badanaya iyo NHS-ta. Waxa ugu weyn ee barnaamijyada noocaan ah ay diiradda saarayaan ayaa ah in dadka laga dhigo kuwa caafimaad qaba iyo in la bixiyo fursado lagu xoojiyo shakhsiyaadka si ay u doortaan dabeecada caafimaad qaba iyo in la sameeyo isbeddelo xog-ogaal ah si loo yareeyo khatarta ah in ay qaadaan cudurrada daba dheeraada. ADEEGYADA DEGAANKA: Waxaa jira adeeg bixiyeyaal badan iyo ilo xogeed si fudud loo heli karo si looga hortago loona maareeyo cuduro badan la noolashaha. Hal tusaale oo ka jira gobolka South West London, ayaa ah barnaamij waxbarasho habaysan oo la yiraahdo The Prevention Decathlon oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka inay iska ilaaliyaan in uu ku dhoco cudurada muddada dheer ee laga hortagi karo sida cudurrada macaanka iyo cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Gaar ahaan, Diabetes Prevention Decathlon (DPD), waa barnaamij toban toddobaad ah oo ah iskaa-isku-gudbi kaas oo u eegayo caafimadka si guud iyo waqtiyo la sameeyo dhaqdhaqaaq jireed oo la siiyo ka qaybgalayaasha si waji ka waji ah ama qaab muuqaal ah. Waxaa jira barnaamijyo badan oo la mid ah oo laga bixiyo guud ahaan South West London, kuwaas oo intooda badan la heli karo iyada oo loo marayo qaab ah iskaa-iskugudbi, waxaay bixiyaan kooxo firfircoon oo dadka garab qabta waxaana lagu heli karaa luqado badan. Fadlan eeg earth-europe tinyurl.com/222c94v8 si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. Caafimaadka dhimirku wuxuu ahaa walaac sii kordhaya gaar ahaan inta lagu jiray faafitaanka Covid-19 iyo ka dibba. Dadka qaangaarka ah ee degan Kingston, Merton, Richmond, Sutton iyo Wandsworth kuwaas oo la kulma dhibaatooyin xagga caafimaadka dhimirka ah oo dareemaya in aanay awoodin in ay la maareeyaan, kudaha South West London waxaa jira 2 xarumood oo ah kuwa soo kabashada caafimaadka dhimirka oo bixiya goobo ammaan ah, loo dhan yahay, bilaash ah oo jawi soo dhawayn leh. Labada xarumba waxay bixiyaan adeegyo oo uu qofku iska imaan karo mana u baahno balan qabsasho. Waxa kula kulmi doona dad furfuran oo aan ku dhageysan oo kaliya basle kuu noqon doono wehel waxayna ku siin doonaaan fursad aad kaga qaybgasho kooxaha taageerada daweynta iyo fadhiyada – macluumaad faahfaahsan ayaa laga heli karaa sionline ah halkaan earth-europe tiny.cc/klt2vz Sunshine Recovery Café 296a Kingston Road, SW20 8LX 07908 436 617 [email protected] Ka soo horjeedka saldhigga tareenka ee Wimbledon Chase oo ay geli karaan waddooyin bas oo kala duwan Ilaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Merton Uplift (isgudbin shakhsi ah), Merton CAMHS (da'yarta iyo dhalinyarada) iyo app-ka NHS-Go Wellbeing (16 - 25 sano jirka). Bogga soo socdaa waxaa ku jira liiska agabka/adeegyada kale ee waxtarka leh ee laga helo guud ahaan South West London: 10 11 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=