WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON

FCP sidoo kale ma qori karaan dawo, si kastaba ha ahaatee xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin GP-yada iyo aqoonta daawooyinka ay leeyihiin awgeed, bukaannada waxay si fufud ku heli karaan dawo ka dib kulamada FCP haddii ay muuqato in loo baahan yahy. MAXAAD U ARKI FCP BEDDELKII GP? Qiyaastii 20% dadku waxay arkaan dhakhtar iyagoo ka cabanaya xanuunada qoorta, dhabarka, kalagoysyada ama murqaha waxayna badanaa ku qasban yihiin in ay sugaan in uu GP-gu gudbiyo si ay u helaan adeegyada fiisiyoterabiga bulshada si ay u maareeyaan xaaladooda. Ballamada uu ku qabsashaday maalmo gudahood iyo caawimaada hor dhaca ah ee FCP uu ka helay awgeed, bukaanku wuxuu ka badbaadayaa sugitaan dheer wuxuuna helayaa sida xogta sheegeyso fursadda ugu wanaagsan ee suurtogalka ah ee soo kabashada iyo safar fudud oo uu ku marayo wadada MSK ee NHS. SIDEEN BALLAN KU QABSAN KARAA SI AAN U ARKO FCP? Si ballan looga qabsato FCP, bukaanku wuxuu u baahan yahay oo kaliya in uu la hadlo qaybta soo dhoweynta ee xarunta GP-ga. Jaantuska geeska ka muuqda ayaa caawin kara bukaanka marka uu go'aan ka gaarayo inay tahay inuu arko FCP ama GP. GP-yadu waxay sidoo kale awoodaan inay bukaannada u gudbiyaan FCP, waxayna kala shaqeeyaan FCP-ga kiisas badan oo MSK ah. Ikhtiyaarka loo aado dhakhtarka ee la xiriira xanuunada MSK-ga ayaa had iyo jeer ah ikhtiyaar weli la siiyo bukaanka. SIDEE AYAY FCPS ISKUGU DHAFAN YIHIIN ADEEGA NHS MERTON PHYSIOTHERAPY EE CAADIGA AH? FCP-yadeenu waxay xiriir aad u fiican la leeyihiin adeegga fiisiyoterabiga ee NHS 'Connect Health' kuwaas oo sida caadiga ah saldhig ay u tahy Nelson Health Centre. Ballamo ayay ku bixiyaan qaab telefoon, muuqaal iyo fool ka fool ah. Bukaanno badan ayaa badanaa ku bilaabi maaraynta FCP, waxayna la sii wataan kooxda fiisiyoterabida ee NHS haddii daaweyn dheeraad ah loo baahdo. Waxay leeyihiin nidaam iskaa-isku-gudbi ah, taas oo lagu sameysan karo taleefoon ama iyadoo la istacmaalayo websaydkooda markaa ka dib FCP ama GP-yadeena ayaa awood u leh inay la xiriiraan haddii loo baahdo. HOOS U DHACA XAGGA MSK KA DIB DARYEELKA FCP Heerarka jawaabta dabagalka ee 1da, 2da iyo 3da bilood waxay ahaayeen 63%, 62% iyo 54% siday u kala horreeyaan Isbeddelka caalamiga ah ee calaamadaha MSK (oo lagu qeexay sida ka wanaagsan/aad kaga wanaagsan) laga soo bilaabo markii ugu horreysay ee bukaanku uu arkay FCP wax yar ayuu kasoo kacay 58% bishii 1aad wuxuu tagy 64% bisha 3aad Xadmiga xanuunka wuxuu hoos kaga soo dhacay baseline-ka celcelis dhan 2.8 BUKAANADA WAXA AY LA KULMEEN Aqbalaada bukaanka ee FCP aad bay u saraysay; 98% bukaanada jawaabta bixinaayay waxay sheegeen inay ku kalsoon yihiin kartida FCPs ay u leeyihiin in ay qiimeeyaan dhibaatadooda 95% waxay sheegeen inay heleen macluumaad ku filan oo ku saabsan is-daryeelka 93% waxay sheegeen inay heleen macluumaad ku filan oo ku saabsan xaaladdooda MSK Bukaannada waxay sheegeen in ay dareemayaan in shakhsi ahaan loo qaddariyo marka la eego'daryeelka iyo ixtiraamka' shaqaalaha caafimaadka guud iyo fahamka iyo wax ka qabashada FCP ee la xiriira dhibaatadooda ee. Safarka bukaanka Ma qabtaa xanuun saameeya qoorta, dhabarka, lafaha, kala-goysyada ama murqahaaga? HAA MAYA Balan ka qabso GP-ga MAYA HAA Balan ka qabso GP-ga MAYA Balan ka qabso GP-ga HAA Balan ka qabso FCP-da Ma dareemaysaa caafimaad darro hadda? Ma ku farxi lahayd inaad aragto dhakhtarka fiisiyoterabiga halkii aad ka arki laheyd GP-ga? Linkiga websaytka waa earth-europe connecthealth.co.uk/services/merton 14 15 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=