Tallaalku waa habka ugu amaansan ee carruurta looga ilaaliyo cudurrada halista ah. Cudurada qaarkood waxay dili karaan carruurta ama wuxuu caafimaadkooda u keeni karaan dhaawac waara. Tallaalku wuxuu u diyaariyaa jirka carruurta in uu la dagaallamo cudurrada haddii ay la kulmaan cuduradaas. Tallaalada waxay kiciyaan jirka si u soo saaro dheecaan kaas oo la dagaallama caabuqa. Tallaalka waxaa sidoo kale loo yaqaan "is-tallaalida", "jab" ama "durida". Barnaamijka Talaalka UK ee joogtada ah waxa uu bilaabmaa marka ilmuhu jiro sideed todobaad wuuna sii soconayaa ilaa dugsiga ay ka gaaraan ilaa da'da ku dhawaad saddex iyo toban jir. Laakinn BCGgu waxaa la siin karaa laga bilaabo waqtiga dhalashada waxaana bixiya isbitaalka ama kiliniga deegaanka haddii ilmahaagu u qalmo. Kalkaalisada Caafimaadka ee ka shaqeysa xarunta GP-gaaga ayaa bixin doonta inta badan tallaalada ka dibna kooxda Tallaalka Dugsiga ayaa la wareegi doonta marka ilmahaagu bilaabo dugsiga. Kalkaalisadaada Caafimaadka, GP-gaaga, Umulisadaada, Booqdaha Caafimaadka iyo Kalkaalisada Talaalka Dugsiga ayaa kaaga ja waabi doono su'aalaha dhici kara aad qabtid ee ku saabsan talaalka caruurnimada. In qaadashda tallaalka uu aad u sareeyo mooyaane, qaar badan oo ka mid ah cudurrada caabuqa halista ah ee aynaan hadda qabin, ayaa ka soo laaban doona qaybo ka mid ah adduunka oo ay weli ka jiraan. Haddii ay tani dhacdo, markaa carruurta ku nool deegaanka ee aan la tallaalin waxay halis ugu jiraan infekshannadan, dhibaatooyinkooda iyo xitaa dhimasho. Waxaa jira tallaalo carruurta ka ilaalinaya: Qoor-gooyaha, xiiq-dheerta, jadeecada iyo hargabka haddii un in yar ka sheegno. Jadwalka tallaalka Carruurnimada UK oo buuxa waxaa laga heli karaa hkaan: earth-europe tiny.cc/ult2vz Talaallada caruurnimada JECLOOW IYAGA, ILAALI IYAGA, TALAAL IYAGA! TAARIIKH NOLOLEEDKA NORTHWEST MERTON FCP– LACHLAN KERN Lachlan waa dhakhtar Australian ah oo ku takhasusay fiisiyoterabiga lafaha iyo murqaha oo jooga Surrey Physio, kaas oo inoo ahaa First Contact Practitioner ee PCN-geena ilaa Sebtembar 2020. Lachlan wuxuu hadda ka shaqeeyaa guud ahaan xarumaha Northwest Merton PCN ee ah Wimbledon Village Surgery, Wimbledon Medical Practice, Alexandra Surgery iyo Vineyard Hill Road Surgery. Sidoo kale wuxuu hogaanka u hayaa dhammaan FCPyada ee Merton Integrated Care Board. Tani waxay ku lug leedahay waxbaridda iyo hagidda dhakhaatiirta kale ee fiisiyoterabiga iyo isku xirka xirfadlayaasha kale ee daryeelka caafimaadka iyo adeegyada NHS si kor loogu qaado daryeelka FCP guud ahaan Merton. Markii laga hadlo noolashiisa ka baxsan fiisiyoterabiga… Lachlan waa ciyaaryahan tennis-ka aad u xiiseeya, si waali ah u taageera ciyaaraha Liverpool FC/Aussie wuxuuna aad u jecel socdaalka adduunka. 16 17 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran
RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=