WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON

Farmashiyahaaga iyo sida ay gacan uga geysan karaan horumarinta caafimaadkaaga Wadnaha iyo Xididdada dhiigga Waxaa jira siyaabo kala duwan oo aad taageero uga heli karto farmashiyaha xaafaddaada ama farmashi kuu dhow. Xirfadlayaasha tababaran ee daryeelka caafimaadka ahaan, waxay ku siin karaan talo caafimaad iyo daawooyin aan u baahneyn in uu dhakhtar kuu qoro daawadaas oo loo qaato cudurrada fudud ee kala duwan, sida qufaca, hargabka, cuna xanuunka, calool xanuunka iyo xanuunnada jirka. Haddii astaamaha xanuunku ay muujinayaan inay yihiin halis, farmashiistayaashu waxay leeyihiin tababar sax ah si ay u hubiyaan inaad hesho gargaarka aad u baahan tahay. Tusaale ahaan waxay kuu sheegi doonaan in aad u baahan tahay inaad aragto GP, kalkaaliye ama xirfadle caafimaad kale. Dhammaan farmashiistayaashu waxay tababar 5 sano ah u qaataan dhanka isticmaalka daawooyinka. Waxa kale oo loo tababaraa maaraynta cudurrada fudud iyo bixinta talo ku saabsan caafimaadka iyo fayoobida. Dhiig-karka ayaa ah khatarta ugu weyn ee istaroogga iyo khatarta ugu weyn ee wadna istaagga, wadna xanuunka iyo cudurrada kelyaha. Dadka qaba dhiigkarka ayaa saddex jibaar uga dhow inay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo istaroogga, waxayna laba jeer ugu dhow yihiin inay u dhintaan cuduradaan marka loo eego dadka aan qabin dhiig-karka. Cudurka wadnaha iyo xididdada dhiigga (Cardiovascular disease , CVD) ayaa ka mid ah sababaha ugu horreeya ee dhimashada degdegga ah ee gudaha England Wuxuu saameeyaa 7 milyan oo qof waxayna u dhigantaa 1.6 milyan oo ah waxa lafka qalaad lagu dhoho disability adjusted life years Dhiig-karka waa khatarta ugu weyn ee CVD Waa shanta khataro ee ugu sareeysa ee keena dhammaan dhimashada degdegga ah iyo naafanimada gudaha dalka England 5.5 milyan oo qof ayaa qaba dhiig-kar aan baaritaan lagu ogaanin gudaha dalka England CVD waa waxa ugu weyn ee keena sinnaan la'aanta caafimaadka wuxuuna masuul ka yahy qiyaastii 25% ee ah farqiga u dhexeeyo muddada la rajeynayo in ay dadka noolaadaan Shaqada insuliintu waa inay u ogolaato gulukooska (sonkorta) ee dhiigeena inay gasho unugyadeena oo ay tamar u soo saarto jirkeena. Maadaamaa insuliinku uu si fiican u shaqaynin heerarka sonkortu kor baay u sii kacayaan markaan cunno cuntooyinka karbohaydraydka iyo cabitaannada sonkorta leh. In heerarka gulukooska dhiiggaaga uu sareeyo si joogto ah waxay keeni kartaa dhibaatooyin xagga wadnahaaga, kelyaha, indhaha iyo cagaha. Labada nooc ee ugu waaweyn ee xanuunka macaanka waa nooca 1-aad & 2-aad. Waa nooca 2aad midka aadka u soo badanayo waxayna u dhigantaa ilaa 90% dhammaan kiisaska macaanka. Waxaa kale oo ay NHS-ka ugu kacdaa kharash dhan £25,000 daqiiqadii daawaynta dhibaatooyinka ay keento. Da'daada, qowmiyaddaada, taariikhda qoyska, xaaladaha caafimaad iyo miisaankaaga ayaa kordhin kara khatarta aad u yeelan karto macaanka. Akhbaarta wanaagsan ayaa ah inaad maareyn karto heerka gulukoosta dhiiggaaga hoosna aad u dhigi kartid halista cudurada wadnaha iyo baahidii loo qabi lahaa in aad dawo qaadato. GPgaaga, Kalkaalisadaada Caafimaadka, iyo Khabiirada Macaanka ee deegaankaaga ayaa halkan u jooga inay ku caawiyaan. Daaweynta waxaa ka mid ah cunista cunto caafimaad leh,in la noqdo qof firfircoon iyadoo la badinayo jimicsiga iyo in la yeesho miisaan caafimaad leh iyo dabcan joojinta cabbidda sigaar. Daawooyinka waxa lagu qaadan karaa kaniini ahaan iyo haddii loo baahdo irbado insuliin ah. Waxbarasho qaabaysan ayaa sidoo kale lagu talinayaa Diabetes UK na waxay sheegtay in "Caddaynta ay muujineyso in dadka helay waxbarashada iyo taageerada ay u badan tahay inay gaaraan yoolalkooda ayna adeegsadaan". Diabetes UK waa samafal cajiib ah oo muddo dheer soo jirtay oo loogu talagalay dadka qaba xanuunka macaanka. Halkan waxa aad ka heli doontaa macluumaad badan oo wata fiidiyowyo gaagaaban, ilo waxbarasho, talooyin ku saabsan cunidda cunta caafimaad leh iyo adeeg is dhexgal bulsho. Websaytkooda waxaa ku jira macluumaad ku saabsan laba koorso DESMOND iyo X-PERT gaar ahaan laagu talay galay dadka qaba nooca 2 aad ee macaanka. Merton waxay leedahay koorsooyin DESMOND maxalli ah oo aad uga qayb gali karto si muuqaal ah ama fool ka fool. MACLUUMAADKA XANUUNKA MACAANKA Macaanka waa xaalad aad halis u ah marka heerka sonkorta dhiigga ay aad u sarreyso. Sababta ayaa ah insuliinta uu sameeyo ganacaagu ayaan si fiican u shaqayn karin ama ganaca ayaan soo saarin insuliin ku filan. Xanuunka Macaanka Sameey intaad nooshahay! Caafimaadka Wadnaha iyo Xididdada dhiigga 18 19 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=