Maxaa kale ayuu farmashiyahaaga kugu caawin karaa? Farmashiyo badan ayaa furan ilaa waqti dambe iyo maalmaha fasaxa ah. Uma baahnid ballan qabsasho. Farmasiyaasha intooda badani waxay leeyihiin qol la-talin oo gaar ah halkaas oo aad shaqaalaha farmasiyaha kala hadli kartid arrimo iyadoon lagu maqleeynin. Adeegyada muhiimka ah Kuwani waa adeegyada ay bixiyaan dhammaan famasiyada bulshadu: Tuuritaanka Daawooyinka Aan La rabin H orumarinta Hab-nololeedka Caafimaadka leh T ilmaamidda Daryeel-bixiyeyaasha kale ee caafimaadka In lagugu taageero is daryeelka Bixinta daawada B ixinta daawooyinka ku celiska ah (adigoo ogolaansho ka sita GP-gaada) Dawooyinka ku celiska ah waxaa lagu bixin karaa 2 siyaabood oo kala duwan: In aad dalbato in dawada uu kuu ogolaado GP-ga mar kasta oo daawada kaa dhamaato. In aad dalbato daawada hal mar ka dibna GP-ga uu kuu oggolaado in aad dib u hesho daawooyinka adigoon u baahneyn oggolaanshaha GP-ga markasta oo daawadu kaa dhamaato. Si toos ah ayaa loogu dirayaa farmashiyaha, markaa uma baahnid inaad mar kasta dalbato. Waxa loo yaqaanaa bixinta elektarooniga ah ee daawooyinka ku celiska ah. Xarunta GP-ga ama farmashiyaha ayaa ku ogeysiin doona marka aad u baahan tahay inaad dib u dalbato daawadaada. Labada jeerba, waxaad: Dooran kartaa farmashiye gaar ah (farmashiye aad dooratay) si aad u soo qaadato daawooyinkaaga wakhti kasta Soo wici kartaa ama la xiriiri kartaa farmashiyaha si oonlayn ah dhowr maalmood ka hor inta aysan daawadu kaa dhammaan si aad u hubiso in dawadaadu diyaar u tahy in la soo qaato Go'aan ka gaari kartaa halka aad ka qaadanan laheyd mar kasta oo daawo laguu soo qoro Waxaa lagu siin doonaa warqad koobi ah oo leh baakoodh oo aad geyn karto farmashi kasta oo ku yaal England, ama farmashiyaha ayaa heli karaa daawadaada isagoo isticmaalaya lambarkaaga NHS ka Adeegyada heerkoodu sareeyo waa adeegyada ay bixiyaan farmasiyada bulshada badankooda: Dib u eegista Isticmaalka Qalabka Adeegga Latalinta ee Farmashiyaha Bulshada (CPCS) oo ku saabsan cudurrada fudud iyaga oo kuu diri karo inaad la kulanto farmashiistaha si aad la-talin uga hesho rugtaada caafimaadka ama iyada oo loo marayo NHS111 Adeegga Latalinta ee Farmashiyaha Bulshada (CPCS) oo ku saabsan sahayda degdega ah ee dawooyinka ku celiska ah iyadoo loo marayo NHS111 Talaalka hargabka Baaritaanka Cagaarshowga C Baaritaanka lagu raadinayo wax xaalad dhiig-kar ah (sida kor ku xusan) Adeegga Daawooyinka Cusub (New Medicines service, NMS) Waydii farmashiistahaaga sida ay kuu caawin karaan marka laguu qoro daawooyin cusub oo loo istacmaalo xanuunnada soo socda – neefta – cudurada sambabada ee daba dheeraada (chronic obstructive pulmonary disease, COPD) – nooca 2-aad ee xanuunka macaanka – dhiig karka – dadka la siiyay daawo cusub oo dhiiga khafiifisa Adeegga Dawooyinka Bukaanka la soo saaray (Discharge Medicines Service, DMS) waxay taageero ka siiyaan bukanada cakiran dhanka daawooyinkooda marka isbitaalka laga soo saaro kadib. isbitaalka ka dib Sida loo istacmaalo qalabka loo yaqaano stoma Joojinta cabista sigaarka Talo-bixin xagga caafimaadka galmada iyo ka-hortagga uur-qaadista ee degdegga ah Sidee bay farmashiyeyaasha bulshadu kuu caawin karaan? Kooxaha farmashiyadu waxay baaritaanka cadaadiska dhiigga ah u sameyn karaan tiro balaaran oo bukaanna ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxqabadyada ku salaysan farmasiga bulshda si looga hortago, loo ogaado loona maareeyo dhiigkarka ayaa ah wax yaalaha ay ku talinayaan hagida qaranka ee (Public Health England, PHE) iyo NHS England. Yaa lagu samayn karaa baaritaanka dhiigkarka ee farmashiyaha xaafadooda? Shuruudaha ka mid noqoshada Dadka qaan gaarka ah ee da'doodu tahay 40 sano iyo wax ka badan oo aan lahayn cudurka dhiig-karka Waxaa ka reeban, dadka da'doodu ka yar tahay 40 sano oo ka soo jeeda qoys taariikh u leh dhiig-kar (go'aanka farmashiistaha) Iskeenay ama iskii u codsaday oo u dhexeeya 35-39 jir (farmashiistaha go'aanka) Qof qaan gaar ah oo uu soo gudbiyay dhakhtar guud Waxaa bixinta daawooyinka ku celiska ah qayb ka ah, in farmashiistaha uu ku weydiin doono haddii aad wax dhibaato ah ama waxyeellooyin ah kala kulanto daawooyinkaaga iyo in ay, haddii ay munaasab tahay, kaala hadli karaan arintaan adiga iyo GP-gaaga. Xaqiiqooyin: Qiyaastii saddex meelood meel dadka qaba dhiig-karka ma oga inay qabaan 20 21 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran
RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=