WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON

The Merton Social Prescribing Service ayaa u dabaaldegay sannad-guuradii 5aad markay aheyd Oktoobar 2022. Waxaan nahay mid ka mid ah adeegga SP ee UK ee jiray muddada ugu dheer sidoo kalena kooxdeena Isku-xirayaasha Bulshada (Link Workers) waxay taageertaa bukaanno ka kala socda 6da goobood ee Merton PCNs (oo ka kooban 22 xarumo caafimaad) oo qaba baahiyo aan ahayn mid caafimaad. Asxaabteena waxay xirfado u leeyihiin xagga cilmi-nafsiga, la-talinta, caafimaadka, waxbarashada ama daryeelka bulshada. Waxaad codsan kartaa ilaa 6 ballamood oo ah 60 daqiiqo kulan kasta ood la yeelato Iskuxiraha Bulshada. Isku-xiraha Bulshada ayaa ku siin doona taageero iyo hagitaan waxayna tilmaam kugu hagaajin karaan boqolaal waxqabadyo oo ka jira bulshada dhexdeeda ah. Waxaan isticmaaleynaa hab ku saleysan baahida gaarka ah ee qofka iyo in la eego waxyaabaha uu ku fiican yahy qofka, taas oo macnaheedu tahay in adeeggu uu gabi ahaanba ku saabsan yahay baahiyahaaga iyo waxyaabaha aad doorbidayso. Intii u dhaxaysay Abriil 2021 iyo Maarso 2022, waxaa nasoo gaaray 2892 gudbin cusub oo ah Daawenta bilaa daawada ah ee Bulshda. Sababaha ugu sarreeya ee gudbinta aya aheyd gudbinta dhanka Caafimaadka Dhimirka oo leh 1007 gudbin iyo 538 gudbin oo ah Go'doominta Bulshada. Waxaan jeclaan lahayn inaan ku barno 3 fikradood si looga hortago go'doominta bulshada, si loo wanaajiyo Caafimaadka Dhimirka iyo xoojinta xiriirka bulshada. Marka hore, ku qaado ugu yaraan 15 daqiiqo maalin kasta la hadalka ama warqad u qoridda qof aad jeceshahay. 15 daqiiqo waqti badan uma eka, laakiin marka si joogto ah loo sameeyo, wakhtigaas yar ayaa wax weyn ka bedeli kara sida aan u dareemeyno in aan nahy dad wehel haysto. Marka labaad, hoos u dhig waxyaabaha mashqyuulka badan keena dadkana ahmiyad sii. Eeg eegidda qoralaada baraha bulshada ama baarbaaridda iimayllada waa u caddahay qofka aad la hadlayso. Tayada cilaaqaadkeena dadka la leenahy waa muhiim. Tan Saddexaad, raadi siyaabo aad ugu adeegto dadka kale. Waxaan wici karnaa deriska oon weydiin karnaa xaaladooda si aan u hubinno in ay fiican yihiin. Qof baan cunto u geyn karnaa. Waxaan warqad u diri karnaa dadka si aan u ogeysiino inaan ognahay inay ku jiraan waqti adag oo aan iyaga ka fekereyno. Waa wadiiqo fudud laakiin awood badan oo aan u istacmaali karno inaan u adeegno dadka kale. Haddii aad u baahan tahay inaad kala hadasho Isku-xiraha shaqalaha wixii ku saabsan arrimo aan ahayn caafimaad ama dhibaatooyin laga yaabo inaad qabto, fadlan maanta ballan ka qabso Xaruntaada Caafimaadka. Adeegyada kale ee laga yaabo inaad hesho farmasiyada Tallaalada safarka (kuwa leh xarumaha socdaalka) Talaalka xarumaha gaarka loo leeyahy Taageerada caafimaadka si guud loo eegayo Hubinta fayoobida Farmasiyadu waxay ku siin karaan talo daawayn oo ku saabsan xanuunnada caadiga ah iyo dhaawacyo fudud, sida: - xanuuno gaar ah iyo mid guud - cune xanuun - qufac - hargab - hargab - dhego xanuun - caabuqa kaadiheysta - finanka maqaarka - xanuunka ilka soo bixidda - indhaha gaduudan Haddii aad rabto inaad iibsato daawooyinka aan u baahneyn in uu dhakhtar qoro, farmashiistaha iyo kooxdooda ayaa kaa caawin kara inaad doorato. Isticmaalka daawada neefta iyo talo ku saabsan Baarista iyo daawaynta xanuunka loo yaqaano Chlamydia ee laisku qaadsiyo galmada Adeegga istacmaalka daroogooyinka, oo ay ku jiraan barnaamijka qofka lagu caawinaayo irbad iyo saliingo nadiif ah si uu u qaato walxahaas Adeegga maareynta miisaanka Iyo taageero kale oo kala duwan oo gaar u ah farmashi kasta Isku gudbinta Bulshada– Caafimaadka Dhimirka 22 23 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=