Iyadoo ujeeddadu tahay in lagu dhimo qaar ka mid ah culeesyada xarumada caafimaadka GP-ga ay inta badan la kulmaan, iskaashiga aynu la leenahy Xiriirkeena Merton Health iyo London Ambulance Service ayaa la kulmay bilowga adeegga booqashada guriga ee kalkaaliyaasha caafimaadka, oo hadda ku jira sannadkii 2aad ee uu shaqeynayo. Iyagoo ku shaqaynaya si is-beddelid ah kuna qalabaysan boorsooyinkooda caafimaadka, waxa laga yaabaa inaad aragtay kalkaaliyaasheena; Ben iyo Luke, iyaga oo wata baaskiilka korontada ku shaqeeya, iyagoo socdaal ku tegaya guri walbo hor iyo gadaal waddooyinka Merton iyagoo booqanaya bukaannada degan agagaarka PCN-geena. Luke ayaa sidaan ka yiri kalkaaliyaasha caafimaad iyo Adeegga booqashada guriga ee PCN: 'Kalkaaliyaasha caafimaad inta badan waxay khibrad u leeyihiin daryeelka caafimaad ee xanuunada daran ee degdegga ah (xaaladaha ku bilawda si degdeg ah oo guud ahaan wakhti gaaban lagu maareeyo). Waxay awoodaan inay sameeyaan indhoindheyn dhamaystiran, iyo sidoo kale baarista dhiigga, si loo aqoonsado digniino tusinaya in uu jiri karo kor u kac ama ay jiri karto baahi loo qabo daaweyn dheeraad ah . Waxay heli karaan dariiqooyinka gudbinta sida daaweynta bilaa daawada ah ee bulshada, fiisiyoterabi iyo farmashiistaha. Waxay awoodaan inay la shaqeeyaan Dhakhtarkaaga Guud (General Practitioner, GP) ka dib qiimeyntaada si ay daawooyin ugu soo diraan farmashiyahaaga aad dooratay, laakin qaar ka mid ah kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa awood u leh inay si madax banaan daawo u qoraan. Adeegga Booqashada Guriga – Kalkaaliyaal Caafimaad Hagaha Adeegyada Iskaa Isku-gudbida ah Haddii aad kalkaaliye caafimaad la leedahay ballan ama booqasho guri oo ku saabsan xaalad caafimaad oo aan la aqoonsan, waxaad filan kartaa in lagu weydiyo taariikh faahfaahsan oo ku saabsan caafimaadkaaga, baaritaan / qiimeyn iyo wax is weyndiin ku saabsan cudurkaaga iyo maareyntiisa.' Kalkaaliyayaasheena caafimaadka ayaa diyaar u ahaa inay gacan ka geystaan qiimeynta iyo daawaynta bukaanno kala duwan oo bulshada dhexdeeda ah, oo ay ku jiraan; kuwa la ildaran xanuunada muddada dheer, bukaannada nugul sida dadka waayeelka ah / bukaanka jilicsan ama kuwa dhowaan laga soo saaray isbitaalka. Marka bukaanka la qiimeeyo, waxay markaas kala shaqeeyaan GP-yadeena xagga daryeelka dabagalka munaasabka ah, gudbinta xigta ama si ay uga caawiyaan adeegyada daryeelka ee jira. Hoos waxaa ku yaal tusaaleyaal ka mid ah hawlaha Age UK Merton ee kalkaaliyaasheena caafimaadku ay hore u gudbin ugu sameeyeen: Mid week lunches earth-europe tiny.cc/7mt2vz Social club (Maalmaha Isniinta& Maaalmaha Arbacada) + Craft Club (maalmaha Talaadada) earth-europe tiny.cc/8mt2vz Jimicsi ku salaysan kursi (khadka zoom ka Talaadada & Arbacada qof ahaan) earth-europe tiny.cc/9mt2vz Tilmaamidda Xiriirada Muhiimka ah Hagaha Merton earth-europe directories.merton.gov.uk MVSC Find a group Xog onlayn ah oo ku saabsan macluumaad inta badan ah adeegyada/hawlo maxalli ah oo ay bixiyaan qaybta mutadawaciinta iyo qaybta bulshada earth-europe mertonconnected.co.uk Care4me Xog onlayn ah oo ku saabsan macluumaad inta badan ah adeegyada/ hawlo maxalli ah oo ay bixiyaan qaybta mutadawaciinta iyo qaybta bulshada earth-europe mertonconnected.co.uk CarePlace Ilaha dhexe ee London ee ku saabsan daryeelka iyo adeegyada bulshada, macluumaad iyo hagid (oo ay u xilsaartay West London Alliance) earth-europe careplace.org.uk HELPLINES Hel khad caawimo maxalli ah ama heer qaran oo la ansixiyay earth-europe helplines.org/helplines Surrey Info Point Ka hel adeegyo guud ahaan Surrey earth-europe surreyinformationpoint.org.uk Advice Local Ka hel caawimo dhanka kaalmooyinka, shaqada, lacagta, dhibaatooyinka guriyeynta iyo qaar kaloo badan earth-europe advicelocal.uk Adeegyada Talobixinta Citizens Advice Lambeth and Merton earth-europe caml.org.uk Khadka Caawimaada Citizens Advice si aad u dalbato Universal Credit Caawimaada si aad u dalbato adeeg waxa ay kugu taageeri kartaa marxaladaha hore ee dalbashada Universal Credit, laga bilaabo codsiga, ilaa lacag bixintaada ugu horreysa. 0800 144 8 444. Macluumaadka ku jira daabacaadan wuxuu ahaa mid sax ah Febraayo deeda 2023. Websaytyada ku jira guud ahaan buuga, waxay ku geynayaan bogaggooda interneetka. Xaaladaha qaarkood waxaad u baahan doontaa inaad baarbaarto si aad u hesho macluumaadka gaarka ah ee degaankaaga. FURO Websayt Telefoon Iimayl FADLAN OGOW Kani waa un liiska qaar ka mid ah adeegyada laga heli karo Merton ama dalka oo dhan. Adeegyo kale ayaa jira waxaanan kugula talineynaa inaad sameyso cilmi-baaris adiga kuu gaar ah oo aad doorato adeeg aad u aragto inuu munaasab kuu yahay. 24 25 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran
RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=