Hab-nololeed caafimaad qaba iyo jimicsi One You Merton Waa taageero maxalli ah oo soo dhaweyn fiican leh oo kaaa caawineyso inaad si fiican wax u cunto, dhaqdhaqaaq badan sameyso, joojiso sigaarka ama in aad yareyso cabitaanka khamriga. earth-europe oneyoumerton.org Ymca Wimbledon Adeegyada fayoobida oo ay ku jiraan jiimka, casharrada jimicsiga kooxda, BARNAAMIJKA GUDBINTA JIMICSIGA GP-GA (MA AH BILAASH), kafateeriyada bulshada, hoyga, ciyaaraha qalabka jilicsan iyo dhaqdhaqaaqyada carruurta. earth-europe ymcastpaulsgroup.org – tag ‘locations – Wimbledon’ YMCA Wimbledon –Jimicsi Gudbin Ka dib ah Barnaamijka Gudbinta Jimicsiga waa barnaamij jimicsi habaysan oo 12-usbuuc ah kaas oo lagu qaato kulamo taxane ah oo fool ka fool ah oo uu bixiyo khabiir jimicsi ku takhasusay - £3.60 kulan kasta. earth-europe ymcastpaulsgroup.org – raadi ‘exercise referral’ CHANGE4LIFE Cunnida cunto caafimaad leh, ku beddeleshada cunno sonkor leh mid aan sonkor laheyn, ablikeeshinka sheega cuntada caafimaadka qabta iyo qaar kaloo badan. earth-europe nhs.uk/change4life Musical Moving Parkinsons Cashar qoob-ka-cayaar ah oo si gaar ah loo qaabeeyey oo loogu talagalay dadka la nool cudurka loo yaqaano Parkinson ee jooga Wimbledon Guild maalmaha Arbacada. earth-europe musicalmoving.org Merton Walks For Life Socod abaabulan oo BILAASH ah oo loogu talagalay dhammaan dadka deeganka. earth-europe merton.gov.uk – raadi ‘walk for life’ Spectra London Spectra waxaa loo wakiishay inay u gudbiso adeegyada caafimaadka galmada dadka da'da yar (da'doodu tahay 13 - 24) ee ku nool Merton iyada oo loo marayo wacyigelin, ka hortag, iyo barnaamijka ka howlgelinta ee gudaha Merton. earth-europe spectra-london.org.uk Expert Patients Programme Koorso 6 usbuuc oo bilaash ah oo loogu talagalay dadka la nool, ama daryeelaya qof qaba, xaalad caafimaad oo mudda dheer ah. earth-europe southwestlondon.icb.nhs.uk – raadi ‘expert patients programme’ Barkadaha dabaasha ee Merton Barkadaha dabaasha ee Merton. earth-europe merton.gov.uk – raadi ‘leisure centres’. GREEN GYMS Isticmaalka qalabka dibadda yeella ee jiimka ee bilaashka ah gudaha beeraha Merton. earth-europe news.merton.gov.uk – raadi ‘keep fit with our green gyms’. Orodka Beeraha Sabti kasta saacadu markay tahay 9:00am Wimbledon Common oo u dhaw mishiinka dabaysha (windmill). earth-europe parkrun.org.uk/wimbledon AFC WIMBELDON FOUNDATION Wax qabadyo diiradda lagu saarayo dhinacyada ugu muhiimsan ee ka qaybgalka ciyaaraha, caafimaadka, waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada. earth-europe afcwimbledonfoundation.com Get Active Wandle Munaasabaduhu waxay toddobaad walba ka dhacaan Merton, Sutton, Wandsworth iyo Croydon waxayna dadka ka caawiyaan inay firfircoonaadaan. earth-europe wandlevalleypark.co.uk Wiltshire Farm Food Cunto barafaysan oo diyaarsan oo guriga la iskugu keeno si loo helo cunto dheelitiran oo loogu talagalay kuwa cuntadooda xaddidantahy iyo kuwa aan socon karin. earth-europe wiltshirefarmfoods.com Gaadiidka TAXICARD Taxicard waa qorshe loogu talagalay dadka deggan London ee jirka naafada ka ah ama kuwa leh aragga aadka u liita. earth-europe londoncouncils.gov.uk/services TFL Sarah Hope Line Waxay caawimo iyo taageero dhamaystiran siiyaan qof kasta oo laga dhintay ama ay soo gaartay dhaawac noolashoodu wax ka beddelay oo ka dhashay shil la xiriira adeegyada Transport for London . earth-europe tfl.gov.uk –raadi ‘Incident support service’ DHAQDHAQAAQA DADKA Barnaamijka Dhaqdhaqaaqa dadka ayaa kaa caawinayaa in aad dhaqdhaqaaq sameyn karto adigoo ku beddelenayo gunnada dhaqdhaqaaqa qiimaha sare si aad u kireysato baabuur cusub oo la awoodi karo, Gawaarida lagu fuuli karo Kursiga Curyaamiinta, mooto ama kursiga curyaamiinta ee ku shaqeeya matoor. earth-europe motability.co.uk MCT MERTON COMMUNITY TRANSPORT – Fursado gaadiid oo kala duwan oo ay ku jiraan ku u qalmidda iyo adeegga dukaamaysiga dadka loo sameeyo. earth-europe mct.uk.com Fursadaha Adeegyada Kale LFB HOME SAFETY Si looga caawiyo ka hortagga shilalka iyo in dadka degaanka ammaankooda la ilaaliyo, kooxda Dabdamiska London waxay bixin karaaan adeegga booqashada badbaadada dabka guriga oo bilaash ah. earth-europe london-fire.gov.uk WIMBLEDON FOODBANK Foojarrada Foodbank waxaa loo soo maraa Iskuduwaha Social Prescribing, haddii aad jeclaan lahayd in GP-gaagu noqdo foojar hayste fadlan si toos ah ula xiriir. earth-europe wimbledon.foodbank.org.uk FOOD RELIEF Food Relief waxay hoos imaataa ururka samafalka diiwaan gashan ee (Morden Islamic Community Center, MICC), iyagoo bixinayaan cuntooyinka xaaladaha degdegga ah iyo taageero loo fidinayo dadka dhibaataysan ee ku nool Merton oo dhan. earth-europe foodrelief.org.uk FAITH IN ACTION The Faith in Action Homeless Drop-in Centre waxay furan tahay arbaca kasta iyo jimcaha kasta 10am ilaa 3pm. earth-europe mertonfaithinaction.org Kooxda Wacyigelinta Bulshada: naafonimada xagga waxbarashada. Kooxda Wacyigelinta Bulshada waxay gacan ka geystaan dadka naafada ka ah dhanka waxbarashada inay dibadda u baxaan, samaystaan saaxiibo oo ay ku raaxaystaan hawlaha bulshada dhexdeeda. earth-europe directories.merton.gov.uk – raadi ‘community outreach team’. SILVERLINE Khad caawimaad oo bilaashka ah oo siinaya saaxiibtinimo iyo macluumaad dadka da'da ah, furan 24 saacadood maalintii, maalin kasta ee sanadka. earth-europe thesilverline.org.uk Deeqo ay Heli karaan Shakhsiyaadka Friends of the Elderly Waa deeqo loogu talagalay in lagu yareeyo walbahaarka iyo welwelka Haddii aad ku nooshahay England ama Wales, aad tahay da'da hawlgabka dawladda oo aad ku nooshahay dakhli yar, nala soo xiriir maadaamaa deeqaheenu ay ku caawin karaan. earth-europe fote.org.uk Wimbledon Guild Welfare Grant Waa Barnaamij Deeqo yaryar ah waxay dadka deegaanka u soo iibiyaan alaab, kuwaas oo si aad ah ugu baahan yihiin laakiin aan awoodin. earth-europe wimbledonguild.co.uk – eeg ‘how can we help’ – ‘Grants’ 34 35 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran
RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=