WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON

RUGAHA TALLAALKA COVID-19 Agaasimeyaasheenna caafimaadka waxay horkaceen kooxa ka koban shaqaalaha xarunta tallaalka ee Merton Hubs si ay u hubiyaan in si degdeg ah loo soo saaro tallaallada muhiimka ah si baaxad weyn leh shaqaalaheennuna si hagar la'aan ah aya ugu shaqeeyeen ilaalinta bulshooyinka deegaanka. Hadaba Maxaa Xiga…? WADASHAQAYN Waxaanu sameynaynaa Kooxda Ka-qaybgalka Bukaanka (Patient Participation Group, PPG) oo wadajir ah guud ahaan xarumaheena xubinta ah si aan u suurtagelinno jawaab-celin loo dhan yahay oo joogto ah. SHAQAALAHA Waxaan sii wadeynaa sahaminta sidii aan si hal-abuurnimo leh ugu hawlgeli laheyn doorarka yaryar si ay nooga taageeraan shaqadeena. MASHAARIIC Waxaan sii wadeynaa sahaminta mashaariic cusub si aan u hubinno helitaan loo dhan yahay ee ah adeegyada GP-ga iyo in aan kor u qaadno caafimaadka iyo fayoobida dhammaan kooxaha bulshada ee ku nool agagaarka PCN-geena. Warbixin ku saabsan buugyarahan Wada-xiriir Ujeedada buug-yarahaan waa in kor loo qaado wacyiga ku saabsan sida PCN-gaagu kuugu shaqeeyo. Shabakad ahaan waxaa naga go'an inaan caawinno kooxdeena bukaannada ah inay ku noolaadaan nolol caafimaad leh. Buug-yarahaan waxaa ka buuxa macluumaad faa'iido leh oo sahlan in la fahmo oo la xiriira: • daryeelka aasaasiga ah, adeegyada bulshada iyo beesha oo aad heli karto • dariiqooyinka daaweynta maxaliga ah • mawduucyada caafimaadka ee kulul & hagaha is-caawinta shakhsiga Ujeedadeena waa in kuwaan si wadajir ah kuugu suurtageliyaan oo ay kuugu xoojiyaan inaad raadsato caawimada saxda ah marka ama haddii aad u baahato. Buug-yarahaan waxaa la heli karaa isagoo luqado kala duwan ah waxaana laga heli karaa websaydkeena shaqada. Waxa kale oo la heli karaa isagoo ah Buuga dadka indhaha la' haddii la codsado. Kheyr badan, Kooxda PCN-kaada Fadlan ogow in macluumaadka ku jira daabacaadan uu ahaa mid sax ah Febraayo 1-deeda 2023. Websaytyada ku jira guud ahaan buuga, waxay ku geynayaan bogaggooda interneetka. Xaaladaha qaarkood waxaad u baahan doontaa inaad baarbaarto si aad u hesho macluumaadka gaarka ah ee degaankaaga. FURO Websayt Telefoon Iimayl 4 5 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=