XOG: Dalka UK gudahiisa qiyaastii 360,000 oo qof ayaa laga helaa kansar sannad kasta, waxaana lagu qiyaasaa in 2 dii qofba uu 1 qof yeelan doono nooc ka mid ah kansarka inta ay nool yihiin. Waxa jira in ka badan 200 oo nooc oo kansar ah, mid walbana leeyahay daawayn u gaar ah. HORUMARINTA CAAFIMADKA: Dhowr arrimood ayaa saameyn kara halista ah inuu kugu dhaco kansar sida; hiddaha, difaaca jirka oo hooseeya , qaab nololeedka iyo deegaanka. Inkastoo aysan suurtagal ahayn in la xakameeyo dhammaan khatarta keenta kansarka, waxaa muhiim ah in la yareeyo khatarta ah in uu kugu dhaco kansar iyadoo la qaadanayo qaab nololeed caafimaad leh: HORUMARINTA BAARISTA: Baarista kansarku waa baaris lagu eego calaamada hordhaca ah ee kansarka ee dadka aan lahayn calaamada muuqdo. Waxay qofku ka caawin kartaa in la ogaado kansarka isagoo kujira marxaladda hore, markaas oo daaweyntu ay u badan tahay in lagu guuleysto. Tusaale ahaan, baaritaanka lagu sameeyo afka ilmogaleenka wuxuu xitaa ka hortagi karaa kansarka in uu kobco. Dalka UK gudahiisa, waxa jira 3 barnaamij oo baaris ah, baarista kansarka mindhicirka, baarista kansarka naasaha iyo baarista kansarka afka ilmo-galeenka. Kansar: HORDHAC: Kansarku waa cudur uu keeno koritaanka aan la xakamayn karin ee unugyada iyo sida ay isku qaybiyaan, kuwaas oo ah dhismooyinka unugyada iyo xubnaha jirka. Inta unugyada kansarka qaba ay sii faafayaan, waxay saamayn karaan unugyo caafimaad qaba oo iyaga ku heeraarsan waxayna dhalin karaan buro. Burooyinka oo dhan maaha kuwo kansar qaba laakiin qaar ka mid ah unugyada kansarka qaba waxaa soo qaadi kara dhiigga ama habka lymfatiga si ay u saameeyaan unugyada caafimaadka qaba ee qaybaha kale ee jirka. Baarista kansarka mindhicirka: Qalab loo yaqaano 'FIT test' (faecal immunochemical test) ayaa baaraya dhiig qarsoon oo lasocda saxarada. Qof kasta oo da'diisu tahay 60 ilaa 74, kuna nool England kana diiwaan gashan GP-ga waxa loo soo diraa qalabkan baarista ee fudud oo uu qofku isku baaro isagoo gurigiisa joogo 2 dii sanaba mar ilaa ay ka gaaraan 75 jir. Intaa ka dib, waxaa jira taleefoon bilaash ah oo lagu dalbado qalabka: 0800 707 6060. Barnaamijka baarista kansarka mindhicirka ee hadda jira ee loo fidiyo kuwa ka yar 60 waxaa loo bixiyaa si marxalado ah. Baaritaanka kansarka naasaha: Baaritaanka mammogram-ka waa raajato eegaysa wax cad hilib ah oo kansar qabta oo ku jira unugyada naaska kaasoo laga yaabo inuu aad u yar yahay in la dareemo. Qof kasta oo da'diisu tahay 50 ilaa 71 dheddig ahaanna looga diiwaan geliyay GP-ga, warqad baa lagu casuumaa 3dii sanaba mar ilaa ay ka gaaraan 71. Intaa ka dib, waxaa lala xiriiraya qaybta baarista maxalliga ah si balamo loola yeesho 3 dii sanaba mar. Baarista Kansarka afka Ilmo-galeenka: Baaritaanka afka ilmo-galeenka wuxuu hubinayaa caafimaadka afka ilmo-galeenka kaas oo ah daloolka ilmo-galeenka. Dhammaan haweenka iyo dadka leh ilmogaleenka ee ka diiwaangashan GP-ga, warqad baa lagu casuumaa 3dii sanaba mar haddii ay da'doodu u dhaxayso 25 ilaa 49 iyo 5tii sanaba mar haddii ay da'doodu u dhaxayso 50-64. Intaa ka dib khatarta kansarka afka ilmo-galeenka waa mid aad u hooseeya. Joojinta sigaarka Qaadashada cunto dheeli tiran Isticmaalka waxyaalaha qoraxda la iskaga ilaaliyo Miisaanka oo lagu ilaaliyo xad caafimaad qabo Kordhinta dhaqdhaqaaqa jirka Xaddidaadda isticmaalka khamriga 7 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran 6
RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=