WAXAA LA SOO BANDHIGAYA SHABAKADA DARYEELKA AASAASIGA AH EE DEGAANKAAGA NORTHWEST MERTON

BAARITAANKA KANSARKA WAXAA LOOGU TALAGALAY DADKA AAN LAHAYN WAX CALAAMADO AH HABA YARAATEE. Haddii aad leedahay calaamado, ha sugin casuumaad baaris- u sheeg dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan. Hoos ka eeg calaamadaha iyo astaamaha muhiimka ah: Codka oo weynaado, xabeeb ama qufac aan dhamaanayn Boogaha afka ama carrabka ee aan bogsoonin in ka badan saddex toddobaad In dhiig la qufaco Neeffa oo qofka ku dhegto Laqitaanka oo qofka dhibo Laab jeex ama dheefshiid xumo joogto ah Rabitaanka cuntada oo luma Dibbiro joogto ah Dhidid habeenkii ah oo aad u culus Rabitaanka cuntada oo luma Daal Miisaan dhimis aan la garanayn waxa keenay Xanuun aan la garanayn waxa keenay Buro aan caadi ahayn ama barar meel un jirkaaga ka mid ah Bar cusub ama wax isku beddela bar Nabar aan bogsanayn Isbeddel aan caadi ahayn oo ku yimaadda cabbirka, qaabka ama dareenka naaska, oo ay ku jiraan isbeddellada ibta ama maqaarka Isbeddelka mindhicirka, sida calool-istaagga, saxaro jilicsan ama in aad mar walbo saxarooto Saxara dhiig leh Dhiigbaxa xubinta taranka ee aan la garanayn waxa keenay, oo ay ku jiraan galmada ka dib, inta u dhaxaysa caadada ama dhalma joojinta ka dib Kaadidaada oo dhiig leh Kaadida oo ku dhibto Macluumaadka NHS: earth-europe nhs.uk/conditions/cancer MacMillan Cancer Support: earth-europe macmillan.org.uk Khadka taageerada: 0808 808 00 00 MacMillan Butterfly Centre at Epsom Hospital: Saacadaha furitaanka: Talaado – Jimco 9.30 am - 4.30 pm 01372 735 456 earth-europe epsom-sthelier.nhs.uk/cancer-information-and-support-centres Cancer Research UK (CRUK): earth-europe cancerresearchuk.org 0808 800 4040 Baarista Kansarka Mindhicirka: Websayt muhiim ah: earth-europe nhs.uk/conditions/bowel-cancer-screening Khadka caawinta: 0800 707 6060 (iyo in lagu dalbado qalabka baaritaanka FIT haddii ay da'dooda ka weyn tahay 75) Baaritaanka Kansarka Naasaha: Websayt muhiim ah: earth-europe london-breastscreening.org.uk –ku dhufo balamaha Qaybta Baarista Maxalliga ah: The Rose Centre, St George’s Hospital Baarista Maxalliga 0203 758 2024 (Isniin – Jimce 8 am – 7 pm, Sabti & Axad 8 am – 4 pm (marka laga reebo fasaxyada) Baarista Kansarka Afka Ilmo-galeenka: Websayt muhiim ah: earth-europe nhs.uk/conditions/cervical-screening Baaritaanka Kansarka Qanjirka Xaniinyaha: Websayt muhiim ah: earth-europe prostatecanceruk.org Kuwani waa qaar ka mid ah calaamadaha iyo astaamaha muhiimka ah ee kansarka. Laakiin haddii aad dareento wax aan caadi ahayn, waxaa fiican inaad u sheegto dhakhtarkaaga - xitaa haddii waxaasi aanay ku jirin liiskan. Xiriiro muhiim ah: Hoos waxaa ku qoran liiska ururada qaarkood oo aad ka heli karto macluumaad dheeraad ah ama aad caawimaad u raadsan karto Sawirka waxaa laga keenay websaytka Cancer Research UK: earth-europe cancerresearchuk.org/about-cancer/cancer-symptoms 8 9 Northwest Merton PCN: Bogagga Cagaaran

RkJQdWJsaXNoZXIy MTA4ODM=